Jidadka muhiimka ah ee Muqdisho oo u xirran booqashada Recep T. Erdogan

by admin | Monday, Jan 19, 2015

Muqdisho : HN :– Xili la fillayo todobaadkan gudihiisa magaalada Muqdisho uu soo gaaro madaxweynaha dalka Turkiga la xirray gabi ahaanba jidadka muhiimka ah ee caasimada magaalada Muqdisho.

Jidadka muhiimka ah ee xirran waxaa ka mid ah waddada gasha garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee Muqdisho, Maka Al-Mukarama oo laga xiray lag soo billaabo KM-5 Zope illaa madaxtooyada iyo waddada Tarabuunka aadda safaaradda Turkiga ee Soomaaliya ku taalla tagta.

Gaadiidka ayaa isticmaalaya waddooyinka xaafadaha dhexmara iyo kuwa ka fog Maka Al-Mukarama; iyadoo la arkayo 2011-634493509766942993-694gaadiid badan oo dhex-mara xaafadaha degmooyinka gobolka Banaadir.

Wararka ayaa siddoo kale sheegaya in ay magaalada Muqdisho soo gaareen hordha wafdi ka socda dalka Turkiga, kuwaasoo u gogol-xaaraya booqashada uu Erdogan ku imaanayo Somalia, iyadoo wafdigan ay isugu jiraan saraakiisha amniga Turkiga iyo siyaasiyiin.

Dowladda Somalia illaa hada si rasmi ah uma shaacin maalinta uu rasmi ahaan u imaanayo Muqdisho, balse wararka madaxa-bannaan ee la helayo ayaa sheegaya in illaa Jimcaha soo socda uu imaanayo Muqdisho.

Sidan oo kale ayaa waxaa waddooyinka Muqdisho loo xiray xilligii ay wasiirro ka socda dalalka IGAD ay imaanayeen Muqdisho toddobaadkii hore si ay ugu yeeshaan shirkoodii 53-aad, kaasoo ay kasoo baxeen qodobbo inn Somalia la taageero ay ka mid ahaayeen.

Booqashada Erdogan ee Muqdisho ayaa noqonaysa tii labaad oo uu ku yimaado Muqdisho, isagoo horay u yimid sannadkii 2011, xilligaa oo ay Soomaaliya ka jirtay abaar sababtay macluul daran.

Hiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!