Jidadka Muqdisho oo u xirran imaashiyaha madaxweyne Xassan Sheekh

by admin | Monday, Mar 16, 2015

Muqdisho : HN :–Jidadka muhiimka ah ee magaalada Muqdisho ayaa saaka u xiran imaanshaha wafdiga Madaxweynaha Soomaaliya oo maalmahan ku sugnaa magaalada Sharma-Sheekh ee dalka Masar, halkaasoo ay uga qeyb galayeen shir looga hadlayay horumarinta dhaqaalaha Masar.

Jidadka amaankooda sidda weyn loo adkeeyay ayaa waxaa ka mid ah wadada hor marta madaxtooyada, wadada hor marta dekedaMuqdisho1 Muqdisho ilaa garoonka diyaaradaha, waxaana saaka wadadaas ay ku xirantay dad badan oo isugu jiray Arday u kalahayay iskuulo iyo jaamacado iyo dad u shaqo tagayay goobo kala duwan sida shirkadaha iyo ganacsiga.

Ciidamada ammaanka ayaa xiray wadooyinka, gaar ahaan ciidamada Ilaalada Madaxtooyada ee Koofiyadaha cas, kuwaasoo dadka iyo gaadiidka u diidayay inay isticmaalaan wadooyinka, waxaana wadada ay xirnaanaysaa ilaa uu Madaxweynaha uu ka tagayo Madaxtooyada.

Wadooyinka Muqdisho ayaa la xiraa xilliyada ay soo degeyaan madaxda iyo marka ay dhoofayaan, waana astaan soo jireen noqotay sanadihii u dambeeyay, dadkuna ay saameyn badan ku yeelato dhaq dhaqaaqooda.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa khamiistii ka dhoofay magaalada Muqdisho, kadib markii uu casuumaad ka helay Madaxweynaha Masar oo ku saabsan shirka arrimaha dhaqaalaha Masar ku saabsan.

Hiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!