Jidadka Muqdisho oo xiran iyo dadweynaha oo intooda badan lugeynaya

by wadani | Tuesday, Dec 27, 2016

Muqdisho : HN :-Waxaa inta badan xiran maanta jidadka magaalada caasimada ah ee Muqdisho, waxaa la arkayaa Shacabka ku nool Muqdisho, oo cagtooda.

 Saraakiisha amaanka ee Dowladda Federaalka Soomaaliya qaarkood oo la hadlay Warbaahinta ayaa shaaca ka qaaday in ujeedka ugu weyn ay xireen Wadddoyinka ay tahay sidii ay u sugi la haayeen amniga.

Waxaa Saraakiisha ay qeexeen in ay mas’uuliyad ka saaran tahay amniga Xildhibaanad labada Aqal ee maanta lagu dhaarinayo Magaalada Muqdisho.

Ugu danbeyntii, Xoogaga Al Shabaab ayaa dhawaan wacad ku maray in weeraro xoogan ay ka geysan doonaan goobaha lagu dhaarinayo Xildhibaanada iyo goobaha kale oo lagu qabanayo doorashooyinka.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!