John Kerry oo Muqdisho ka dhoofay kaddib kulan uu la qaatay madaxda sare ee dalka

by admin | Tuesday, May 5, 2015

Muqdisho : HN :–John Kerry xog-hayaha arrimaha dibada dalka Mareykanka ayaa goor dhow ka dhoofay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho, kadib labo saacadood oo uu ku sugnaa, isla markaana kulamo la qaatay Madaxda dowladda iyo Madaxda maamulada gobolada.

John Kerry ayaa ahaa xoghaye arrimo dibadeedkii u horeeyay ee ka socda Mareykanka oo Soomaaliya soo booqda muddo labaatan sano ka badan.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Ra’iisul Wasaare Cumar C/rashiid ayay kulan albaabada u xirnaa wada

US Secretary of State John Kerry, left, meets with President Hassan Sheikh Mohammed, second from right, and Prime Minister Omar Abdirashid Ali Sharmarke, right, at the airport in Mogadishu, Somalia, Tuesday, May 5, 2015, in a show of solidarity with the Somalian government trying to defeat al-Qaida-allied militants and end decades of war in the African country.  Kerry is the first U.S. Secretary of State to ever visit the country. Kerry is also visiting Sri Lanka, Kenya, Djibouti, France, and Saudi Arabia on his trip.(AP Photo/Andrew Harnik, Pool)

qaateen, iyadoo kulankaas looga hadlay xaalada siyaasadeed Soomaaliya, taageerada Mareykanka, hiigsiga sanadka 2016.

Kulankaas kadib ayaa waxaa uu Xoghayaha Arrimaha Dibada Mareykanka waxaa uu kulan albaabada u xirnaa la qaatay Madaxweynayaasha Maamulada Puntland, Jubba, Koofur Galbeed, waxaana kulankaas wehliyay Madaxweynaha, Ra’iisul Wasaaraha iyo Wasiiro ka tirsan Xukuumadda.

Intaas kadib ayaa hadana Mr Kerry waxaa uu kulan isaga iyo Madaxweynaha ay ku wada qaateen qeybta martida ee garoonka diyaaradaha, iyagoo arrimo kala duwan ka wada hadlay.

Xoghayaha Arrimaha Dibada Mareykanka John Kerry ayaa la kulmay Madaxda AMISOM oo uu ku bogaadiyay howlaha ay ka hayan Soomaaliya, isla markaana Mareykanka uu mar walba garab taagan yahay.

Dowladda Soomaaliya ayaa lagu wadaa in saacadaha soo socda war ka soo saarto safarka Kerry iyo waxyaabihii laga wada hadlay, waxaana shir jaraa’id lagu qaban doonaa Xarunta Madaxtooyada.

Xoghayaha Arrimaha Dibada Mareykanka oo safarkiisa ahaa mid aan horay loo sii shaacin waxaa uu goor dhow ka dhoofay garoonka diyaaradaha Muqdisho, isagoo dib ugu laabtay Kenya, waxaa la filayaa inuu halkaas kaga sii gudbo dalka Jabuuti.

Ammaanka ayaa si aad ah loo adkeeyay, iyadoo wadooyinka la xiray, ciidamo kala duwan ayaa ku sugnaa hareeraha garoonka diyaaradaha ilaa KM4 oo ay adkeyd in dadka ay ka ag dhowaadaan.

Hiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!