John Kerry oo la fillayo in uu Muqdisho soo gaaro saacadaha soo socda

by admin | Tuesday, May 5, 2015

Muqdisho : HN :– Xog-hayaha arrimaha dibada John Kerry oo ku sugan magaalada Nairobi ee dalka Kenya, ayaa lagu wadaa in saacadaha soo socda uu soo gaaro magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya.

Warar hoose oo la hadllayo ayaa sheegaya in ay badan tahay John Kerry in uu Muqdisho soo gaaro maanta oo Tallaado ah, waxaana garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ku soo qul qulaya madaxda maamul gobolleedyad oo ka qeyb-galli doona kulanka lala yeellanayo xog-hayaha arrimaha dibada Mareykanka.

Madaxda ugu sareysa dowladda Soomaaliya, sidda madaxweyne Xassan Sheekh, ra’iisal wasaare Sharm’arke iyo guddoomiyaha kerrybaarlamaanka, ayaa iyaguna la fillayaa in ay kulanka qeyb ka noqdaan.

C/wali Gaas madaxweynaha maamul gobolleedka Puntland, Axmed Madoobe madaxweynaha maamulka Jubb iyo Shariif Xassan Sheekh ayaa lagu waramayaa in ay soo gaareen garoonka diyaaradaha magaalada Muqdisho.

Wararka qaar ayaa sheegaya in Xoghayaha Arrimaha Dibada Mareykanka Mr Kerry uu kala hadli doono Madaxda dowladda Soomaaaliya iyo kuwa Maamul goboleedyada, arrimaha dhameystirka maamulada federaalka, hiigsiga sanadka 2016 ee la filayo in Soomaaliya doorasho ka dhacdo iyo arrimo kale oo Amniga ka mid ah.

Wali ma jiro war rasmi ah oo arrinta ku saabsan oo ka soo baxay dhinaca dowladda Soomaaliya, hasse ahaatee waxaa siweyn loo adkeeyay ammniga magaalada caasimada ah ee Muqdisho iyo garoonka diyaaradaha.

Hiiraan Net.

 

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!