John Kerry oo la kulmay madaxweynaha dalka Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle

by admin | Wednesday, May 6, 2015

Djabuuti : HN :-John Kerry xog-hayaha arrimaha dibada dalka Mareykanka ayaa maanta gaaray dalka Jabuut oo ah saldhiga ugu weyn Afrika uu ku leeyahay Mareykanka, isagoo la kulmay madaxweynaha dalka Jabuuti, Ismaaciil Cumar Geelle iyo Wasiirkiisa Arrimaha Dibadda, Maxamuud Cali Yuusuf.

booqashada John Kerry ee dalka Jabuuti oo qeyb ka ah safar uu ku kala bixinayo dalka geeska Africa, ayaa horay u soo maray dalalka Soomaaliya iyo Kenya.

John Kerry ayaa madaxweynaha dalka Jabuuti kala hadllay xiriirka labada waddan u dhexeeya, isagoo uga mahad-celiyay gurmadkakerry-jabuti-1 iyo soo dhaweynta ay dowladda Jabuuti u fidisay boqolaal qof oo kasoo cararay colaadda ka socoto Yemen.

“Xaaladda Yemen aad ayay uga sii daraysaa maalinba maalinta kasii dambeyso,” ayuu yiri Kerry oo intaas ku daray in dhibaatada Yemen ka taagan ay mas’uul ka yihiin Xuuthiyiinta oo uu ku eedeeyay inay colaad geliyeen dalkaas.

Hay’adaha samafalka ayaa sheegay in Jabuuti ay haatan ku sugan yihiin in ka badan 30,000 oo Qoxooti ah; kuwaasoo 20,000 ay yihiin Somali dalkooda ka cararay xilliyadii dagaalladu ay ka socdeen.

Dhanka kale, Kerry ayaa shalay Muqdisho kula shiray Madaxweyne Xasan Sheekh, ra’iisul wasaarihiisa iyo madaxda maamullada Puntland, Cabdiweli Gaas, kan Jubba, Shiikh Axmed Madoobe iyo kan Koonfur-Galbeed, Shariif Xasan Sheekh Aadan.

Ugu dambeyn, safarkii uu John Kerry ku yimid Muqdisho ayaa ahayd tii ugu horreysay oo wasiir arrimo dibadeed ka socda dalka Mareykanka uu abid ku yimaado Somalia, inkastoo la qariyay safarkii uu Kerry ku yimid Somalia.

Hiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!