John Kerry oo sheegay in ay Kenya ka caawinayaan dagaalka ka dhanka ah argagixisada

by admin | Monday, May 4, 2015

Nairobi : HN :– John Kerry oo ah xog-hayaha arrimaha dibada dalka Mareykanka oo maalintii shalay gaaray magaalada Nairobi ee dalka Kenya, ayaa sheegay in dowladda Mareykanka gacan ka sii doonto dowladda Kenya siddii ay ugu guuleysan laheyd dagaalka ka dhanka ah argagixisada.

John Kerry ayaa booqdaygoobtii ay ku taallay Safaaraddii Mareykanka ee la qarxiyay sanadkii 1998-dii.

Mr Kerry ayaa ubaxyo dhigay halka ay ku qoran yihiin magacyada dadkii weerarkaas ku dhintay, si uu ugu muujiyo wadajir kerry-2dhibanayaashii ku waxyeeloobay weerarkaas, waxaana uu xusay in Argagixisadu ay mar walba fashilmayaan.

Waxaa uu sheegay in dalkiisa uu sii wadayo taageerada ku aadan dagaalka ka dhan ah Argagixisada, waxaana uu xusay in marnaba qalbiyadooda aysan dhaawici doonin weerarada oo kale.

John Kerry ayaa gelinka dambe ee maanta oo Isniin ah la kulmi doona Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta, iyagoo ka wada hadli doona arrimo badan oo ay ka mid yihiin iskaashiga dhinaca ammaanka iyo la dagaalanka Argagixisada.

Safarka Kerry ee Nairobi ayaa la leeyahay waxaa uu hor dhac u yahay booqasho la fillayo in dalka Kenya uu ku soo gaaro madaxweynaha dalka Mareykanka Brack Obama oo awoowihiis uu ka soo jeedo dalkaas.

Hiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!