Jowhar: Mugdi & Murugo. WQ: Axmed Maxamad Rooble

by Yahye | Thursday, Nov 28, 2013

Jowhar waa caasimada Gobalka Shabeelada dhexe. Waa Degmada ugu weyn, Taariikh iyo ilbaxnimo badan Guud ahaan Gobalka Shabeelada dhexe. Degmada Waxeey ku tiirsan tahay Waxsoosaarka Beeraha iyo Dhaqashada Xoolaha. Dadka Degmada Jowhar degen badankood waa dad nabada jecel, deris wanaag iyo wada noolaasho caan ku ah. Jowhar waxaa la dhihi karaa waxeey ka mid tahay degmooyinka ugu nabada badan koonfurta dalka Soomaaliya. Dhaqan hoosaadka dadka deegaanka waxaa ka mid ah samirka, dulqaadka, rajada, ilaalinta nabada iyo ka shaqeynta nabada, wanaaga iyo Horumarka.  Maanta Jowhar waxaa isugu darsamay labbo waxyaabood oo madow aan la sawiri Karin ilaa xad. Waxey degmadii cagaarneyd, quruxda iyo nabada ku caan baxday gashay qiyaame iyo wax aan ku macneyn karo Mugdi iyo murugo. Halaaga, burburka iyo barakaca iyo colaada waxaa u dheer Fatahaad ilaa 50 sano tii ugu xumeyd ah. Fataahada waa amar alle Waana musiibo dabiici ah  oo nolosha biniaadmiga qeyb ka ah.  Warqadan yar waxeey si kooban isku dayi doontaa in ay ka qeyb noqoto aragti ahaan xalinta qilaafaadka iyo dagaalada soo noqnoqda iyo sidoo kale fatahaadaha si isdaba joog ah ugu soo noqnoqda jowhar iyo guud ahaan gobalada wabiga uu maro ee dalka.

Waxbarashadeydii hoose, dhexe iyo sare waxaan ku qaatay degmada jowhar oo aan ku koray.  Waxaan dareemi karaa qiimaha dadka degmadaa leeyihiin iyo wanaaga ay ka mudan yihiin guud ahaan dadka soomaaliyeed in lagu gargaaro qeybna laga noqdo samato bixinta fatahaada iyo dhibta ay ku jiraan iyo xalinta qilaafaadka.

* Fatahaadaha & Xalintooda

Mid ka mid ah musiibooyinka dabiiciga ah ee ku lamaanan nolosha aduunyo ayaa waxaa ka mid ah fatahaada ka dhaca badaha, wabiyada iyo haraha. Noloshu waxaa ka buuxa dhib, imtixaan iyo suaalo badan oo u baahan tabaabusheysi, qorsheyn iyo feker ku dhisan wax dhisid iyo xalin.  Dunida horumartay waxeey ku dhaqmaan tabab iyo siyaasado nololeed oo ka duwan tan taala qaarada afrika iyo dalka Soomaaliya. Waxaa lagu fekeraa xalinta waxa soo socda oo wax meel loo sii dhigtaa, la isku sii diyaariyaa sidoo kalane si aanay u dhicin laga hortagaa balse Afrika gaar ahaan Soomaaliya waxaa caado soo jireen ah in marka ay musiibo weyn dhacdo la yiraahdo “ha nala soo gaaro”, “Caalamka hanoo gurmado” iyo ereyo kale. Waxaa xadiith lagu sheegay in “Muuminka awooda leh uu ka qeyr badan yahay kan daciifka ah” taa oo cadeyn karta in muhiim tahay ka tashiga aayaha umadeed iyo la loolanka isbadalada nolosha. Musiibooyinka gaar ahaan fatahaadaha waxeey ka dhacaan dunida balse waxaa jira farsamooyin yareeya qasaaraha ka dhasha oo ay dadyowgaa adeegsadaan si ay wax uga qabtaan balse dalka Soomaaliya ma jirto farsamooyinkaa iyo wacyi lagu xadidi karo fatahaadaa ilaa xad.  Mid ka mid ah wabiyada ugu waaweyn Koonfurta Asia waxaa uu maraa magaalo ku dhawaad 200 km u jirto Magaalada Karachi. Wabiga Indus oo an arkay ayaa u dhisan si aysan suuro gal aheyn in uu kusoo fataho degmooyinka u dhow. Dhowr qof aan weeydiyay waxeey ii sheegeen in la adegsaday farsamo, cilmi iyo awood dowladeed taa oo keentay in biyaha mara wabiga Indus ay ka hooseeyaan heerka dhulka caadiga ah ee dadka degen yihiin. Waxaan La yaabay in badan farsamadaa kadib waxaan dib u milicsaday wabiga shabeele ee jowhar, balcad iyo mahadaay aan ku arkay iyo sidoo kale Jalalaqsi, buulo barde Farqalaal iyo Baladweyn mara oo biyihiisa ay la siman yihiin dhulka caadiga ah ama ka

sareeyaan taas oo keeni karta hadii ay biyo badan yimaadaan in fatahaad dhacdo isla markaana qasaaro weyn yimaado. Wabiga Indus iyado oo sidaa taxadar looga muujiyay ayaa hadana fatahaado ka dhacaan. Gurmad ayaa si dag dag loogu baahan yahay dal iyo dibadba. Waxaa sidoo kale si dhaqsi ah loogu baahan yahay in guddi afar geesood ah loo saaro xalinta Fatahaada gobalada dalka si guud ahaan ah sidoo kale si gaar ahaana gobalka iyo degmada jowhar. Marka hore ganacsatada iyo Dadka degmada kasoo jeeda, Dowlada, Hey’ada caalamiga ah iyo Qurbojoogta guddi ka kooban ayaa mudan xalinta fatahaada. Waxa sidoo kale muhiim ah in si daacad, wanaag iyo alle ka baq ah loo galo xalinta fatahaada taa oo duunyo iyo dadba qasaare lixaad leh u geeysatay.

* “Dagaal Wiil baa ku dhintee, Wiil kuma Dhasho”

Waqtiga lagu jiro ma ahan waqti dagaal, colaad iyo burburin. Waxaa lasoo maray wax badan oo dhib ah oo aan la iloobi Karin kana mid noqotay taariikhda madoow ee guud ahaan dalka. Maanta iyo Qarnigan wax la aqbali karo oo caqliga gali kara ma ahan dagaal, dhac, boob iyo colaad. Waxaa mudan in loo soo noqdo nabada, wada noolaashaha, walaaltinimada iyo wanaaga. Waxaa sidoo kale muhiim fahamka in qeyb nolosha ka mid ah ay tahay isku dhaca iyo qilaafaadka kaa soo kala dhexgala dad walbo iyo xitaa dugaaga. Balse Waxaa lagu kala horumaray xalintooda, Cafiska wixii dhacay iyo la jaanqaadida hore u socodka aadanaha oo dhan. Waxaa muhiim ah xal laga gaaro dagaalada iyo khilaafaadka soo noqnoqda ee deegaanka iyo guud ahaan dalka. Talaabooyinka loo maro xalinta khilaafku waa badan yihiin waxaase kuwa ugu muhiimsani  noqon karaan Fahamka sababta keenta khilaafka taa oo sahasha xal ka gaarideeda. Waa in la fahmaa sababta ka danbeysa khilaafka?, Sababaha dhaliya khilaafka? badana waxay ku soo ururayaan dhowr sababood midkood:

1)Xogaha (Information): dadku inta badan waxaa dhacda in hadal ama arrin kaliya in qofba si u fahmo u gaar ah isaga.Waana tay somalidu hore ugu maahmaahdey hadal waa margi, ama hadal nin si u yiri nina si u qaadey. 2) Qaabka (Process): waxaa dhacda in la isku qabto qaabka howl loo qabanayo, iyadoo hadafka aan la isku diideyn

3)Ahdaafta (Objectives): marar badan waxaa dhacaysa in ujeedooyinkaba la isku diidan yahay oo qof walba uu higsanayo yool iyo ajendayaal u gaar ah

4) Akhlaaqiyaadka (Values): mabaadi,ada iyo hab-dhaqanka oo kala duwanina waxay sababaan khilaafyo badan.

Waxaa gababogabadii muhiim ah in la fahmo si dheerna loo dhuuxo iyado oo la adeegsanayo cilmiga xalinta khilaafaadka, diinta islaamka iyo dhaqankeena suuban in la galo dhexdhexaadin iyo gar. Sidoo kale xal in laga gaaro waa ujeedada waxaa markaa loo baahan yahay tanaasul badan oo dhinacyada ah.  Waxaa mudan in laga digtoonaado in xoog lagu keeno xal ama koox gaar ah lagu qasbo heshiiska. Waxeey keeni kartaa dhiilo, colaad, dagaal iyo dhibaato hor leh. Soomaalidu waxeey tiraahdaa Aan wada hadalno wa aan heshiino waxaa muhiim ah wadahadal badan kaa oo keeni kara isfaham iyo kala garbixid.

Waxaan ku soo gabogabeynayaa fekerkaan kooban tix ka mid ah maansooyinka iyo gabayada Abwaan Maxamade ibraahim Warsame hadraawi Gudgude

“Inkastoo gambadu saaran tahay; dunida guudkeeda

Gurmadkeyga Waaw u baahan yahay; ruux la gaasiraye

Taydana ninkii igu guntaday; waw garleeyahaye

Marba gooha dhiilada halkii; gu galaalaato

Karaankeyga waan geyn; intaan geeri moogahaye…..!”

Qalinkii: Ahmed Maxamad Rooble: 

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!