Jubbaland” ciidammada Itoobiya ee Kismaayo tagay waxey la mid yihiin kuwa kale….

by wadani | Sunday, Jan 3, 2016

Kismaayo : HN :–Sarkaal ka tirsan maamulka Jubbaland oo lagu magacaabo Ismaaciil Qeyre Dhuxulow,  ayaa ka hadlay ciidammada dowlada Ethiopia ee dhawaan tagay magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose iyo saldhigyada ay magaalada ka sameysanayaan.

sarkaalka oo ah taliyaha amaanka garoonka diyaaradaha ee magaalada Kismaayo ee Jubbaland ayaa sheegay in ciidamo badana aysan ku sugnayn magaalada, laakiin waxaa uu sheegay in saraakiil ka socdo Ethiopia ah tageen magaalada Kismaayo.

Laakiin wuxuu wax aan wanagasan ku tilmaamay in la buun buuniyo ciidamada dowlada Ethiopia ka socdo ee tagay

Ethiopian troops ride on a military truck in Somali's capital Mogadishu December 29, 2006. Somalia's Prime Minister Ali Mohamed Gedi swept into Mogadishu in an armoured convoy on Friday a day after his Ethiopian-backed forces drove Islamist rivals from the city they had ruled by sharia law since June. REUTERS/Sahal Abdulle (SOMALIA)

Ethiopian troops ride on a military truck in Somali’s capital Mogadishu December 29, 2006. Somalia’s Prime Minister Ali Mohamed Gedi swept into Mogadishu in an armoured convoy on Friday a day after his Ethiopian-backed forces drove Islamist rivals from the city they had ruled by sharia law since June. REUTERS/Sahal Abdulle (SOMALIA)

magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose isaga oo sheegay iney la mid yihiin ciidamada AMISOM ee ka socdo dalalka kale.

Wuxuu tilmaamay in ciidamada Ethiopia ay qeyb ka yihiin howlgalka AMISOM ee Soomaaliya ka socdo wuxuuna si gaar ah u sheegay iney u tagayaan Jubbaland sidii loola dagaalami lahaa Alshabaabka ku sugan Jubbada Dhexe, balse aysan jirin dano gaar ah oo magaalada ay u tagayaan.

“Ciidamada Kismaayo yimid waxay la mid yihiin kuwa ku sugan Galmudug, koofur galbeed, Muqdisho iyo Hiiraan, maxaa si gaar ah looga hadlayaa kuwa Kismaayo yimid, waxay halkaan u yimaadeen dagaalka ka dhanka ah nimankaan nabad diidka ah, mana jiro dan gaar ah”ayuu yiri Ismaaciil Qeyre.

Ciidamada Ethiopia oo gaaraya kun askari ayaa la filayaa in ay tagaan magaalada Kismaayo waxayna qeyb ka yihiin ciidamo ka bilaabaya Jubbada DHexe howlgal loogu magac daray Wabiga Jubba.

Hiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!