Jubbaland oo faah faahin ka bixisay dagaal ka dhacay galbeedka Kismaayo

by wadani | Sunday, Dec 18, 2016

Kismaayo :HN :-Ciidamada qalabka Sida ee Jubbaland oo kaashanaya dadka deeganka ayaa howlgalo la qorsheeyay shalay ka fuliyay deeganada Beerxaani, Kaamjaroon Golashimbi iyo Kaamjaroon hawlgaladaas oo looga gol lahaa sidii loo soo furan lahaa xoolo ay kooxda Al-shabaab ka dheceen dadka deegaanka.

Dagaal adag ayaa shalay ka dhacay dhamaan deeganadan iyadoo khasaare lixaad leh uu ka dhashay sida ay xaqiijiyeen sarakiisha Ciidamada hogaamineysa waxaanaa Al-Shabaab dagaalkaas lagaga dilay 15 Al-shabaab ah iyo sarkaalkii  dagaalka hogaaminayay oo isagoo dhaawac ah ay ciidammada gacanta ku dhigeen kadibna dhaawacii soo gaaray u geeriyooday.

Ugu danbeyntii, ciidammada Jubbaland howlgalka waxaa kaga dhintay 1 askari labo kalana way kaga dhaawacmeen.

 

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!