Jubbland oo soo dhaweysay in madaxweyne loo aqoosaday Axmed Madoobe

by admin | Sunday, Dec 21, 2014

Kismaayo : HN :– Mas’uuliyiinta maamulka Jubba ayaa siweyn ula dhacay hadalkii ka soo yeeray madaxweynaha dowladda Soomaaliya Xassan Sheekh Max’uud oo Axmed Madoobe u aqoonsady in uu yahay madaxweynaha maamulka Jubba.

Madaxweynaha oo boooqday maalmo ka hor Kismaayo ayaa hadal uu jeediyay waxuu sheegay in wax laga badalay labo qodob oo ka mid ahayd heshiiskii faderaalka iyo maamulka,waxuuna caddeeyay Axmed Madoobe in loogu yeeri karo madaxweyne,halka maamulkuna lugu soo celiyay magacii lugu dhisay ee aha Jubbaland.

“Waa arrin wanagsan hadalka madaxweynaha,balse waxaan ku sheegaya Axmed Madoobe awal madaxweynu noo ahaaAxmed-Madoobe shacab iyo mas’uuliyinba ee guddoomiye noo ma ahayn,madaxweyne Xasana hadalka wuu ku saxan yahay,”ayuu yiri wasiir ku-xigeenka wasaaradda warfaafinta,Geele Maxamed Aadan.

Geele waxuu sheegay maamulka Jubbaland inuu buuxiyay sharuudaha maamul ee dalka,taasna ay xaq u siinayso inay ku dhaqmaan dastuurka waxa ku qoran.

“Waxaan rabna horay inan u socono,waxaana hadda naga go’aan sidii gobollada oo dhan loo garsiin lahaa hay’adaha maamulka,”ayuu ku daray hadalkiisa wasiir ku-xigeenku.

Waxuu sheegay qorsha maamulka inuu yahay sidii loo gaari lahaa guud ahaanba deegaannada Jubbaland oo qar ka mid ah ay ku sugan-yihiin dagaal-yahanno ka tirsan Al-shabaab.

Wasiir ku-xigeenka warfaafinta ayaa shacabka Jubbaland iyo dowladooda waxuu sheegay inay guulaysan doonan oo gobolka oo dhan laga saari doono Al-shabaab,si ay shacabka u xorooban.

Maamulka Jubbaland ayaa muddo shaqeynaya,balse xilligan waxuu xiriir dhow la leeyahay maamullada dalka ka jira iyo dowladda faderaalka,waxaana la sheegay arrinta inay u sahli doonto si dhow inay ku horumaraan.

Hiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!