KABAHA IN HOOSTA LAGA MASAXAA WAA CAQLI DARRO.

by admin | Wednesday, Nov 23, 2011

Culumada diinta iyo wax garadka ama aqoon yahaynka waxaa ka dhex jira muran xooggan oo ku saabsan fahamka iyo garashada diinta.

Culumada diintu waxay ku doodayaan in uusan qofku sida ay isaga ula muuqato u macnayn karin diinta iyaga oo mar walba soo qaata xadiis la sheegay in Cali Bin Abii Dtaalib dhahay haddii ay diintu tahay caqli kabaha cagta cad ayaa laga masixi lahaa ee korka lagama masaxeen.

Xadiiskaas Cali ugu horrayn waxba kama jiraan ee sidaas ha loo ogaado caddayntiisiina waa tan. Markii uu rasuulku sheegay in la xijaabto wuxuu dhahay raggu waa in uu qariyo inta u dhexaysa xundhurta iyo labada ruug ama law, haweenkuna canqawga hoostiisa in ay marada gaadhsiiyaan labada kaf iyo wejigana banneeyaan.

Waxaa markaas rasuulka u tagtay oo weydiisay in haddii ay marada ka hoos mariyaan canqawyada ay wasaq fara badani gaadayso markaasna lagu tukan karin.

Wuxuu rasuulku ugu jawaabay gabadhaas in carrada ay ka dib la dul martaa daahirinayso ama nadiifinayso sidaasna loogu tukan karo. Xadiiska kale wuxuu ahaa mar uu rasuulka ka hadlay in markii ay tahay in aad ku tukataan kabaha hoosta hoose eega haddii ay wax wasaq ahi ku dheggan tahay ciidda ku xoqa markii ay ka daahirisana ku tukada.

Labadaas xadiis waxaa ka muuqata in ay carradu wax daahiriso sida biyaha oo kale. Marka kabaha hoosta carrada xigtaa waa daahir oo haddii uu qofku ku joogsado xaar iyo wax la mid ah carrada uu ka dib ku dul socdo ayaa daahirinaysa, hase yeeshee wixii wasaq ah ee kabaha korkooda ku dhaca in laga tirtiro mooyee si kale ugama go’ayso. Sidaas darteed in kabaha xagga kore laga tirtiro ayaa ah caqliga saliimka ah saxna ah.

Culumada oo dhammina waxay adduunka isku raacsan tahay in uusan xadiiska Cali Bin Abii Dtaalib loo saaraa waxba ka jirin.

Marka culumadu yaanay diinta jar dheer kala dhicin sidii shiikhii diinta iyo awqaafta Somaliland madaxda uga ahaa ee HCTV u soo xigtay xadiiskaas culumadii guurka gabdhaha ka soo talada jeedisay.

Markii aan dooddaas dhegaystayna waxaa iiga soo baxday in gabdhuhu arrinkaas ka biyo diideen iyaga oo leh waxaana nalaga dhigay wax raqiis ah, wiilashuna ay si buuxda u taageereen taladii culumada.

Waxaan arrinkaas ka lee yahay wuxuu Alle quraanka noogu sheegayaa in guurku khayr yahay loogana gaashaanto kulan xaaraan ah oo ka dhex dhaci kara nin iyo haweenay. Wuxuuna Alle sheegay in ragga iyo dumarka midiba mid u yahay hugii uu ku cawro asturanayey, marka gabdhuhu ha fudeeyeen guurka, waayo sida uu ninku ugu baahan yahay ayay ugu baahan yihiin.

G/le Sare Omer Suleiman Ali (Shalaqo).

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!