Kalfadhigii shanaad ee baarlamaanka oo maanta furmaya iyo ammniga oo la adkeeyay

by admin | Saturday, Sep 20, 2014

Muqdisho : HN :–Waxaa maanta si rasmi ah uga furmay arunta gollaha shacabka baarlamaanka Soomaaliya kalfadhigii shanaad ee baarlamanka, waxaana aad loo adkeeyay ammniga agagaarka xarunta.

Waxaa lagu waddaa in madaxweynaha dowladda Soomaaliya Xassan Sheekh Max’uud uu si rasmi ah u furo kaldhiga shanaad  ee baarlamaanka.

Xildhibaanada Baarlamaanka ayaa isu diyaarinaya ka qeyb galka kalfadhigan shanaad, kadib markii Gudoonka Baarlamaanka uu horay u iclaamiyay in 20-ka bishan September oo maanta ku beegan inuu furmi doono.

Prof. Maxamed Cumar Dhalxa oo ka mid ah Mudanayaasha Baarlamaanka ayaa sheegay inay rajeynayaan in kalfadhiga Shanaan uu sibarka_7 nabad ah ugu bilowdo, isagoo cadeeyay in Baarlamaanka oo ka wakiil ah shacabka ay yaalaan howlo fara badan.

“Sida maanta loo balansan yahay waxaa furmi doona kalfadhigii shanaad ee Baarlamaanka Soomaaliya, sida nagula soo wargeliyay 20-ka september oo maanta ku beegan ayuu furmayaa, waxaa rajeyneynaa inuu si nabad ah noogu bilowdo”ayuu yiri Prof. Dhalxa.

Kalfadhiga shanaad ayaa ka duwanaan doona fadhiyadii hore, maadaama uu Baarlamaanka hor-yaalo sharciyo kala duwan oo looga baahan yahay inay ansixiyaan ka hor inta aanu dhamaan sanadkan.

24-kii bishii May ayay aheyd markii dabley hubeysan ay weerareen Xarunta Golaha shacabka, iyadoo gudaha u galay dhismahaas, xilli ay ku shirayeen Xildhibaanada oo mar dambe laga saaray, waxaana weerarkaas sheegatay Al-Shabaab.

Mudooyinkii u dambeeyay waxaa kulamada baarlamaanka hareeyay falal amni daro iyo dilal loo geysanayay Xildhibaanada, waxaana sanadkan gudihiis la dilay ilaa shan Xildhibaan iyo weeraro is daba joog ahaa oo xarunta Baarlamaanka lagu qaaday labo jeer.

Hiiraan net.

 Hiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!