Kalfadhigii shanaad ee baarlamaanka oo maanta la soo xirray

by admin | Wednesday, Feb 11, 2015

Muqdisho : HN :–Mudanayaasha gollaha baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta soo xirray kalfadhiga shanaad ee baarlamaanka iyagoo galaya fasax labo bilood ah iyadoo gudoonka baarlamaanku uu ka codsaday Xildhibaanada in inta fasaxa ay ku jiraan  la booqdo Gobolada iska markaana la soo ogaado xaalada bulshada gobolada iyo baahiyaha ay qabaan.

Mudanayaasha Baarlamaanka ayaa gaba -gabada kalfadhiga shanaad oo soo xirmay maanta waxaa ay ku Ansixiyeen HindiseIMG_1447 sharciyeedka dhismaha gudiga madaxa banaan ee doorashooyinka Qaranka iyo qaraaro ku saabsan Taagerida xawaaladaha Soomaalida Mareykanka iyoku dhaqanka qorista Af -Soomaaliga iyo keydinta soo jireenka Soomaaliyeed.

Xildhibaanada ayaa ayaa waxaa ay cod aqlabiyad ah ku ansixiyeeen Dhowrkaa hindise sharciyeeed oo uu ka mid yahay Gudiga Madaxa banaan Ee Doorashooyinka Gudigaasina waxaa horyaala Howlo adag maadaama qorshuhu yahay in Dalka Doorasho ka dhacdo marka la gaaro 2016 ka  marka uu dhamaado waqtiga dowladda hadda jirta.

Hiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!