Kalsoonidii shacabka Kenya ay ku qabeen hay’addaha ammniga oo yaraatay

by admin | Thursday, Apr 16, 2015

Kenya : HN : — Shacabka reer Kenya ayaa siweyn uga careysan shaqada laamaha ammniga dalka Kenya, oo ay ku eedeynayaa in aysan waxba ka qaban weerarada Al-shabaab ay ka geystaan qeybo ka mid dalka Kenya, iyaga oo wali sii xasouusta weerarkii Jaamacada Gaarisa ee horaantii bishan Al-shabaab ku dishay dad ku dhaw 150 ruux.

Al-shabaab ayaa la leeyahay wali waxaa ay saameyn ku leeyiin deegaannada dhaca dhiinaca W/bari dalka Kenya oo ay ka qoranayaan 4dhalinyarro u dagaallanta, waxaana la layahay meel ay ku danbeeyeen ilaa 20 dhalinyarro ah oo reer W/bari dalka Kenya ah.

Waxaa la rumeysan yahay in dhalinyarradaas ay raaceen kuna biireen xoogagga Al-shabaab, iyaga tababar kaddib dib la fillayo in ay weeraro uga geystaan dalka Kenya.

Mucaaradka dalkaas oo ka faa’ideysanaya dhaliilaha dhinaca sugida ammniga ah ee soo ifbaxaya ayaa dowladda ku eedeeyay in ay ku fashilan tahay wax ka qabashada nabad-galyada, sidda daraadeed tahay in ay ciidamadeeda kala soo baxdo Soomaaliya.

Hiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!