Kenya oo Al-shabaab ku eedeysay in ay dagaal diimeed ka dhax abuureyso shacabkeeda

by admin | Sunday, Nov 23, 2014

Nairobi : HN :–Dowladda Kenya ayaa ku eedeysay Al-shabaab  in dagaal-diimeed ay ka dhex-abuurto shacabka Kenya, kaddib dilkii 28-qof oo ka mid ahaa rakaab la socday bus, kuwaasoo ay muslim iyo masiixi u kala saareen.

C/qaadir Maxamed oo ah la taliyaha madaxwenaha Kenya ayaa sheegay in Al-shabaab uu qorshaheedu yahay in Kenya ay uu qarxo dagaal diimmo ku dhisan, wuxuuna shacabka Kenya kaga digay inay u dagaalamaan muslim iyo kirishtaan.

“Shacabka Kenya waxaan ugu baaqayaa diin kasta oo ay aamisan yihiin inay muujiyaan midnimo oo ay si wadajir ah uga soo horjeestaanpasenger dambiyada ay geysnayso Al-shabaab, si ay shaki u kala geliso,” ayuu hadalkiisa ku daray C/qaadir Maxamed.

Hadalkan afhayeenka madaxweynaha Kenya ayaa imaanaya xilli afhayeenka Al-shabaab uu shalay sheegay inay mas’uul ka yihiin dilka dadkan masiixiga ah, ayna ugu aargudayeen muslimiinta ay ciidamada Kenya dilayaan.

Rakaabkii saarnaa baska ayaa waxay isugu jireen muslimiin iyo masiixiyiin, iyadoo Al-shabaab ay u kala saareen muslim iyo masiixi, dabadeedna ay ka toogteen madaxa 28-qof oo habeen iyo rag ahaa kuwaasoo qirtay inay yihiin masiixiyiin.

Xarakada Al-shabaab ayaa tan iyo markii ay Kenya ciidamadeeda u soo dirtay gudaha Soomaaliya, sannadkii 2011-kii, waxay Kenya ka wadday olole dagaal oo ay ku dishay dad isugu jira shacab iyo ciidammo.

Hiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!