Kenya oo danjire u soo magacaawday Soomaaliya

by admin | Thursday, Mar 26, 2015

Nairobi : HN :–Dowladda Kenya ayaa markii ugu horeysay dajire cusub u soo magacaawday Soomaaliya, tan iyo wixii ka danbeeyay markii uu bur burka dhacay, waxaana safiirka cusub lagu magacaabaa Lucas Tumbo.

Mudanayaasha baarlamaanka dalka Kenya ayaa sheegay in tallaabada lagu magacaabay danijrahan ay muujinyso xiriirka ka dhexeeya labada dowladooda, waxaana tani ay qayb ka tahay bay yiraahdeen xoojinta xiriirka labada waddan.

Guddiga xiriirka caalamiga ah iyo difaaca baarlamaanka dalka Kenya ayaa dhankooda ku tilmaamay danjire Lucas Tumbo inuu yahayKenya's Supreme Court judges file into the chamber during the opening of the 11th Parliament in Nairobi shaqsi u qalma xilkani loo magacaabay, isla markaana kasoo bixi kara.

“Danjire Lucas wuxuu wax badan kusoo kordhin karaa mustaqbalka siyaasadeed ee dalka Somalia,” ayaa laga soo xigtay guddiga oo sheegay in magaacbidda danjirahan ay kusoo beegmayso xilli Somalia ay ka baxayso dhibaatooyin muddo dheer ay kusoo jirtay.

Sidoo kale, danjirahan ayaa la shegay inuu horay uga soo shaqeeyay dalal ay ka mid yihiin Itooboiya iyo Suudaan oo daris la ah Kenya, iyadoo ay noqonayso markii ugu horreysay oo uu ka shaqeeyo Somalia.

Kenya ayaa waxaa kaga sugan dalka Somalia kumannaan askari oo qayb ka ah howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM, iyagoo ka howlgala deegaanno ku yaalla Koonfurta Somalia, halkaasoo ay sannado kula dagaalamayeen Al-shabaab.

Hiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!