Kenya oo howlgal ka wada xuduuda ay la wadaagaan Soomaaliya

by wadani | Monday, Jul 17, 2017

Kenya : HN :-Ciidamada Kenya ayaa howl gallo ka bilaabay xuduuda Soomaaliya iyo Kenya, kaddib markii laga war helay in tiro dagaalyahano ka tirsan Al-Shabaab ay ka soo gudbeen xuduudka Soomaaliya.

Diyaaradaha dagaalka Kenya iyo ciidamo lugta ah ayaa saacadihii la soo dhaafay lagu arkay xuduuda u dhaxeysa Soomaaliya iyo Kenya.

Saraakiil ka tirsan kenyaa ayaa sheegay inay wadaan howl gallo ay ku baadigoobayaan ragga la sheegay inay ka soo gudbeen xuduuda.

Ciidamada Kenya ayaa soo buuxiyay xuduuda, waxaana saacadihii la soo dhaafay diyaaradaha dagaalka Kenya ay duqeymo ka geysteen deegaano ka tirsan Gobolka Gedo.

Bisha soo socota ee Agosto ayaa lagu wadaa in dalka Kenya ay ka dhacdo doorashada madaxtinimada dalkaas, iyadoo laga cabsi qabo in weeraro ka geystaan Al-Shabaab.

Al-Shabaab ayaa horay weeraro ka geystay gudaha Kenya, waxaana weerarkii ugu khasaaraha badnaa uu ahaa kii sanadkii 2015 lagu qaaday Jaamacadda Gaarisa, halkaasoo lagu dilay in ka badan 140 ruux oo u badnaa arday.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!