Kenya oo ka cabsi qabta Al-shabaab inay carqaladeyso doorashada dalkaasi ka dhici doonta

by Yahye | Wednesday, Dec 5, 2012 | 26 views

Nairobi: HN: Saraakiisha ciidamada dowlada Kenya ayaa ugu baaqay laamaha amaanka iyo dadka shacabka ee ku dhaqan dalkaasi Kenya inay ka qeyb qaataan sugida amaanka ee dalkaasi.

Mathew Iteera oo ah sarkaal ka tirsan ciidamada Booliska Kenya ayaa sheegay in loo baahan yahay in la adkeeyo amaanka goobaha ay ka dhacayaan doorashooyinka sanadka.

Waxa uu shegay sarkaalkaan inay ka baqayaan falal amni daro ah inay ka dhacaan dalkaasi oo ka geystaan  Ururka Alshabaab iyo dadka lidiga ku ah amaanka sida uu sheegay Mathew Iteera oo la hadlayay warbaahinta Kenya.

Waxa uu sidoo kale sheegay inay ciidamo dheeraad ah oo boolis ah ay geyn doonaan deegaanada iyo goobaha cod bixinta dalkaasi Kenya.

Sarkaalkaan ka tirsan Booliska Kenya ayaa sheegay in Alshabaab marar badan ay hanjabaad u jeediyeen Dalka Kenya iyagoona ku hanjabay in Kenya aanay nabad ku joogi dooninamaanka.

Hadalka kasoo yeeray saraakiisha amaanka ee Booliska dalka Kenya ayaa imaanaya iyadoo Al-shabaab ay marar badan weeraro amni daro ay ku hanjabeen inay ka geysanayaan dalkaasi.

Hiiraan Net

Like it? Share it!