Kenya oo ka qaaday bandowgii saarnaa deegaannada gobolka W/bari

by admin | Saturday, Jun 27, 2015

Kenya : HN :–War ka soo baxay dowladda Kenya ayaa sheegay in gabi ahaanba la qaaday bandowgii saarnaa guud ahaanba gobollada iyo deegaannada gobolka W/bari.

Bandowgan ayaa saarnaa magaalooyinka Mandheera, Wajeer, Garissa iyo deegaano ka mid ah Tana River, waxayna xukuumadda Kenya sheegtay in qaadista bandowga ay tahay mid ku timid sababo la xiriira bisha barakeysan ee Ramadaan.

Wasiirka Arrimaha Gudaha Dalka Kenya, Joseph Nkaissery ayaa sheegay in bandowgaan la qaaday kaddib markii uu dhawaan

A member of Kenya Defense Forces secures the area of the Garissa University College in Garissa, northeastern Kenya, Friday, April 3, 2015. Al-Shabab gunmen rampaged through the university at dawn Thursday, killing 147 people in the group's deadliest attack in the East African country. (AP Photo/Khalil Senosi)

A member of Kenya Defense Forces secures the area of the Garissa University College in Garissa, northeastern Kenya, Friday, April 3, 2015. Al-Shabab gunmen rampaged through the university at dawn Thursday, killing 147 people in the group’s deadliest attack in the East African country. (AP Photo/Khalil Senosi)

madaxweynaha Kenya uu ka codsaday Wasaaradda Arrimaha Gudaha Kenya in dib u eegis ku sameyso bandowga marka galo Ramadaanka.

Xukuumadda Kenya ayaa shacabka gobolkaas kala kulantay cadadaas markii lagu soo rogay gobolkaas Bandowga, iyadoo qaadista bandowgan uu imaanayo xilli uu Bandiga dhexe ee Kenya fasaxay maalmo ka hor Xawaaladihii Soomaalida oo iyana xayiraad lagu soo rogay bishii Abriil ee sannadkan.

Ugu dambeyn, bandowga ayaa saameyn xooggan ku yeeshay shacabka Gobolkaas ku nool, iyagoo sheegay in dhibaatooyin dhanka ganacsiga, nolosha iyo isku socodka ah ay kala kulmeen badowga.

Si kastaba ha ahaatee, Gobolka Waqooyi-bari Kenya oo ku yaalla Xadka ay Kenya la wadaagto Somalia ayaa waxaa ka dhacay weerarro ay mas’uuliyadooda sheegatay Al-shabaab, kuwaasoo uu ka mid ahaa kii Jaamacadda Gaarisa oo lagu dilay 148-qof oo u badan arday.

Hiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!