Kenya oo ku gacanseyrtay warbixin ka soo baxday hay’adda MSF

by wadani | Friday, Oct 14, 2016

Nairobi : HN :–Dawladda Kenya ayaa Gaashaanka u daruurtay warbixin ay soo saartay hay’adda dhaqaatiirta aan xudduudda lahayn ee MSF taasoo ay ku sheegtay  86 Boqolkiiba qaxootiga Dhadhaab ayan doonayan inay ku laabtaan dalkooda Hooyo ee Soomaaliya.

Afhayeen u hadlay wasaaradda Arrimaha Gudaha dalka Kenya oo lagu Magacaabo, Mwenda Njoka, ayaa sheegay inuu jiro shaki weyn oo ku saabsan  tirada runta ah ee Dadka diyaarka u ah inay laabtaan, maaddaama ay Qaramada midoobay laanteeda Qaxootiga ee UNHCR ay horay u soo bandhigtay Dad badan oo ku hanwyn iney ku noqdaan Dalkooda si aan qasab ahayn.

Hadalkan kasoo baxay wasaaradda arrimaha gudaha Kenya, ayaa immanaya xilli ay isa soo tarayaan walaaca ay hay’adaha samafalka iyo qaramada midoobay ka muujinayaan dib u celinta Qaxootiga Soomaaliyeed ee ku jira Xeryaha Dhadhaab, kuwaas oo intooda badan anay u diyaarsanayn goobihii la dejin lahaa iyo tasiilaadkii asaasiga ah ee noloshooda.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!