Kenya oo sheegtay in Al-shabaab fariisimo ku leeyihiin keymaha Boni

by admin | Wednesday, Sep 16, 2015

Kenya : HN :–Saraakiisha ammniga dowladda Kenya ayaa sheegay in boqolaal ka tirsan dagaalyahanada Al-Shabaab ay saldhig ku leeyihiin Keymaha fog ee Boni, iyadoo Ciidamada Milateriga Kenya oo taageeraya diyaaradaha qumaatiga u kaca ay bilaabeen howl gallo.

Madaxweynaha dowladda Kenya Uhuru Kenyatta, ayaa amrayaa waxaa amray howlgalka, iyadoo kumanaan qoysas oo ku sugan keymahaas lagu wargeliyay inay ka guuraan dhulka keymaha Boni.

Wasiirka Arrimaha Gudaha Kenyan Joseph Nkaisserry ayaa sheegay in saddex boqol dagaalyahanada Al-Shabaab oo ku suganKenya-troops keymaha Boni ay kaga soo duulaan magaalooyinka Kenya.

Sidoo kale waxaa uu sheegay in dhulka keymaha Boni ay ka sifeyn doonaan dagaalyahanada Al-Shabaab ee ku dhuumaaleysanaya, waxaana howl galkan Kenya ku dhawaaqday uu yahay kii saddexaad tan iyo markii Ciidamada Kenya gudaha u soo galeen Soomaaliya sanadkii 2011.

Wargeyska The Star ee ka soo baxa dalka Kenya ayaa dhowaan qoray in dhulka keymaha fog ee Boni Al-Shabaab ku leeyihiin xeryo ay ku tababaraan dagaalyahanada.

Al-Shabaab ayaa dhowaan soo bandhigtay muuqaalka dagaalyahano Cadaano iyo kuwa Kenyan ah oo ku socdaalaya dhul keyn ah oo ku yaalla gudaha Kenya, dagaalyahano tababaranaya iyo gaadiid ka qafaalanayaan agagaarka Lamu.

Hiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!