Kenya oo sheegtay in ay darbi ka dhiseyso xadka ay la wadaagto Soomaaliya

by admin | Wednesday, Feb 25, 2015

Nairobi : HN :–Dowladda Kenya ayaa markii ugu horeysay sheegtay in ay darbi ka dhiseyso xadka la wadaagto Soomaaliya, gaar ahaan dhinaca xiga deegaanka loo dalxiis tago ee Lamu.

Kenya ayaa cabsi weyn ka qabta dagaal-yahannada al-Shabaab oo dhowr weerar oo ay dadbadan ku dhinteen ka fulisay gobolka Lamu,Waxaana xilligan jira hanjabaado ay kooxdu soo saartay.

Guddoomiyaha Lamu,Issa Timamy ayaa sheegay in darbigan uu ka hortagi doono soogalootiga sharci darada ah iyo kor u qaadista nabadda gobolka.

Mr. Issa Timamy ayaa intaa ku daray in qorshahan uu dhawaan billaabanayo, isla sanadkan guduhiisana uu dhamaan doonno.la_pix-1

“Si dhaqso ah ayaan filayna inuu ku dhammaado mashruucan ka hor dhammaadka sanadkan,”ayuu yiri guddoomiyaha Lamu oo ku sheegay ujeedka darbigaan loo dhisayo mid lugu doonayo amniga in lugu xoojiyo.

Sidoo kale,waxuu sheegay inay doonayaan sidii loola socon lahaa dadka ajaanibta ah ee ka soo gudbaya xadka ay wadaagan Soomaaliya iyo Kenya.

Goobaha uu Jidaarkan gaari doono waxaa ka mid ah Ishakani iyo Ras Kamboni, lama oga in arrinkan ay wax ka badali doonto nabad-galyo xumida ay ka sheeganayso Kenya.

Qorshahaan waxaa la sheegay inuu qayb ka yahay,dadaallo ay dowladda Kenya ku doonayso inay si ay u adkeyso nabad galyada dalkaasi oo sida ay sheegtay khatar joogta ah uga timaado dalka ay dariska yihiin ee Soomaaliya.

Waa markii ugu horreeysay oo ay dowladda Kenya go’aansato darbi dheer oo xiraya xadka ay la wadagto Soomaaliya inay hirgaliso.

Hiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!