Kenya oo siweyn uga foojigan weeraro uga yimaada Al-shabaab

by admin | Tuesday, Feb 24, 2015

Nairobi : HN :–Dowladda Kenya ayaa heegan buuxa galisay ciidammadeeda, kaddib hanjabaadii dhawaan ka soo yeetay xarrakada Al-shabaab oo sheegtay in ay weerari doonto dhamaanba ganacsiga iyo danha reer galbeedka.

Al-Shabaab ayaa muuqaal ay baahisay Sabtidii waxay ku soo bandhigtay weerarkii ay ku qaaday Xarunta Ganacsiga Westgate sanadkii 2013, waxaana ay ku hanjabtay inay weerari doonto danaha reer galbeedka.

Afhayeen u hadlay Ciidamada Kenya David Obonyo ayaa sheegay inay isku dayayaan sidii ay uga hortagi lahaayeen falalka ay2000px-Flag_of_Kenya.svg doonayaan inay sameeyaan Kooxda Al-Shabaab.

“Kooxdaasi waxay bilaabeen qaabab kala duwan oo ay dadka ku cabsi geliyaan markii magaalooyin muhiim ah laga qabsaday, marka muuqaalka waxba nooma dhimayo, waana ka hortageynaa”ayuu yiri Afhayeenka Ciidamada Kenya.

Sidoo kale waxaa uu sheegay in muuqaalka ay soo bandhigeen uu ahaa mid ay ku argagax gelinayaan dadka u dhashay dalalka ay u hanjabeen ee Mareykanka, Canada iyo UK, gaar ahaan goobaha ganacsiga ku yaal dalalkaas inay u weerarayaan si la mid ah qaabkii Westgate Mall oo kale.

Al-Shabaab ayaa dhamaadkii sanadkii hore weeraro xiriir ahaa ka geysatay gudaha Kenya, gaar ahaan xuduuda Kenya iyo Soomaaliya, waxaana ay halkaas ku dishay dad ka badan lixdan ruux.

Hiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!