Kenya oo soo bandhigtay muuqaallada dad looga shaki qabo in ay weerar geystaan

by admin | Friday, May 1, 2015

Kenya : HN :–Saraakiisha booliiska  dowladda Kenya soo bandhigay sawirada afar ruux oo aad loo raadinayo, kuwaasoo la sheegay inay qorsheynayaan weeraro ay ka geystaan gobolka xeebta ah dhamaadka todobaadkan.

Saraakiisha booliiska ayaa sheegay in warbixino sirdoon oo ay heleen ay raggan xiriir la leeyihiin Al-Shabaab, waxaana ay sheegeen inay suura gal tahay in saraakiishooda ay u soo direen Kenya, si ay weeraro uga fuliyaan.

Mid ka mid ah afarta ruux oo lagu magacaabo Abdulkadir Abubakar Abdulkadir ayaa la dashay mid ka mid ah saddex gabdhood oowanted horay Ciidamada Booliska ka qabteen magaalada Mandhera, xilli ay doonayeen inay tallaabaan xuduuda Soomaaliya.

Sidoo kale haweenka kale ee bishii la soo dhaafay lagu qabtay Mandhera, iyagoo isku dayay inay u gudbaan Soomaaliya ayaa la sheegayaa inay guursadeen dagaalyahano ka tirsan Al-Shabaab.

Waxaa kaloo ciidamada ay baadigoobayaa Issa Abdallah Kauni, kaasoo degenaa magaalada Mombasa, waxaana waalidiintiisa ay waayeen sanadkii hore, waxaana waalidiintiisa ay u diiwaan geliyeen sida qof la waayay oo kale.

Dowladda ayaa aaminsan in wiilkan uu u safray Soomaaliya, si uu ugu biiro Al-Shabaab, waxaana uu xiriir la lahaa Mr Abdulkadir.

Labada kale waa walaalo, waxaa lagu kala magacaabaa Ahmed Said Omar oo lagu naaaneyso Dogo iyo Hussein Said Omar oo lagu naaneyso Babli.

Afartan ruux ee si aad ah ay u baadigoobeyso dowladda Kenya ayay waxay madaxooda saartay abaal marin lacageed oo gaareysa labo milyan lacagta Kenya.

Booliska ayaa sheegay in cidii macluumaad sahli karta in la soo qabto tuhunsanayaasha la siin doono abaal marintaas lacageed, waxaana Booliska uu soo bandhigay taleefano lagala soo xiriiri karo, cidii aragta ama heysa halka ay raggaas ku sugan yihiin

Laamaha Ammaanka Kenya ayaa qaaday tallaabooyin amni oo loogaga jawaabayo weerarkii 2 April Al-Shabaab ku qaadeen Jaamacadda Gaarisa, halkaasoo lagu dilay in ka badan 140 ruux oo arday u badnaa.

Hiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!