Kenya oo su’aalo weydiineysa shaqsiyaad iyo shirkado ay xayiraad ku soo rogtay

by admin | Tuesday, Apr 14, 2015

Nairobi  : HN :–Dowladda Kenya ayaa billowday inay shirkadihii iyo shaqsiyaadkii ay xayiraadaha kusoo rogtay Arbacadii hore su’aalo weydiiso, kuwaas oo ay ku eedeysay inay taageero siiyaan Xarakada Al-shabaaab ee Somalia.

Shaqsiyaadkan iyo shirkadahan ayay Kenya ku wargeliysay in ay caddeeyaan in aysan wax lug ah ugu lahayn taageerada dhaqaale ee lagu eedeeyay inay Al-shabaab siiyaan.

Qaar ka mid ah shirkadaha iyo shaqsiyaadka la eedeeyay ayaa billaabay inay tagaan xarunta dambi-baarista Nairobi oo ku taalla South C, si eedeymaha lagu soo oogay ay isaga bari-yeelaan.

Xubnaha iyo shirkadaha la eedeeyay ayaa waxay tiradoodu kala ahayd 13-shirkadooda iyo 86-qof, kuwaasoo ay ku jiraan culummo si2000px-Flag_of_Kenya.svg weyn dalkaas looga yaqaanno oo uu ka mid yahay Sheekh Maxamed Cabdi Umal.

Jen. Joseph Boinett oo ka tirsan saraakiisha dalka Kenya ayaa sheegay in shaqsiyaadka dowladda Kenya ay xisaabaadyadooda xirtay ay hor-imaan doonaan cadaaladda si ay u muujiyaan sababta keentay in xisaabaadkooda la xiro.

Sidoo kale, Boinett ayaa intaas ku daray in dadkii ugu horreeyay ay shalay billaabeen in ay hortagaan xarunta dambi-baarista, kuwaasoo laga buuxiyay faylal la xiriira hawlaha ganacsi ee ay dalka Kenya u joogaan.

Hay’adaha Kenyaanka ah ee lala xiriiriyey Al-shabaab waxay haystaan shan maalmood si ay meel fogayeen ama u qirtaan dambiyada loo heysto ee ah in ay Al-shabaab dhaqaale ku taageereen.

Ugu dambeyn, shaqsiyaadka xisaabaadkooda la xiray badankood ayaa tagay xarunta lagu weydiinayo su’aalaha ayaa waxaa wehlinayay qareenadooda; waxayna ka gaabsadeen inay saxaafadda la hadlaan; iyagoo intaas ku daray inaysan la socon sababta keentay in la horkeeno xaruntaan dambi-barista, laakiinse qaarkood oo warbaahinta la hadlay ayaa ku eedeeyay dowladda Kenya inay xanibtay hantidooda; iyadoo aan wax caddeyn ah u hayn eedeymaha ay u soo jeedisay.

Si kastaba ha ahatee, tallaabadan ayaa timid kaddib Weerar ay Al-shabaab ku Qaadday horraantii bishan Abriil Jaamacadda Gaarisa halkaasoo ay ku dishay 148-qof, waxaana weerarkaas lagu sheegay kii ugu khasaaraha badnaa ee ay Al-shabaab ku qaaddo Kenya tan iyo 1998-kii.

Hiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!