Khadiijo Max’ed Diiriye” waa xad-gudub in ra’iisal wasaaraha is casilaad looga baaqo

by admin | Thursday, Nov 20, 2014

Muqdisho : HN :– Wasiirrka arrimaha qoyska iyo xaquuqda Aadanaha Khadiijo Max’ed Diiriye oo ku sugan magaalada Copenhagen ee dalka Denmark, ayaa xad gudub ku tilmaamtay soo jeedintii 14 wasiir oo ka mid ahaa xukuumada oo ugu baaqay ra’iisal wasaaraha in uu xilka is ka casilo.

“Waxaan u arkaa ku xadgudub xuquuqda aadanaha, hadii ay cid is casileyso ayaga laga rabay inay is casilaan Ra’iisul Wasaaraha xuquuqdiisa asiga is kale, aniga kama mid ihi, mana ka mid noqon doono, waa fara gelin xuquuq kale, hadii cidi ku talineyso inay is casisho ayaga laga rabaa inay marka hore go’aan gaaraan”ayay tiri Wasiirad Khadiijo oo wareysi siisay Idaacada BBC-da

Iyada oo ka hadashay mooshinka ra’iisal wasaaraha ka yaalla xukuumada ayeey sheegtay in mooshinkaas aanu sharci aheyn, islaKhadiijo M markaana horay Gudoonka looga digay in aan mooshin aan sharci aheyn la horkeeno Baarlamaanka

“Sifaha loo diiday waxa waaye mooshinada hore loo keeni jiray waa ka duwan yahay, mooshinkan kuma imaan si sharci ah, Gudoonka horay ayaa looga digay inuusan keenin, Baarlamaanka ma ahan Gole xalin ee waa Gole sharci dejin marka hadii uu si sharci ah ku yimaado mooshinkaas codka waa loo ogolaan doonaa”ayay yiri Khadiijo Maxamed Diiriye.

Khilaafka u dhaxeeya Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha ayaa waxaa uu kala qeybiyay Xukuumada iyo Baarlamaanka, iyadoo labo jeer uu buuq ku dhamaaday kulan looga doodi lahaa mooshinka ka dhanka ah Ra’iisul Wasaaraha.

Beesha Caalamka ayaa horay wal wal uga muujisay khilaafka Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha, waxaana guuldareystay dadaalo la doonayay in lagu xaliyo kala aragti duwanaanshaha taagan.

Hiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!