Khilaaf ka dhaxtaagan guddoomiyaha iyo kux-xigeenkiisa baarlamaanka Galmudug

by wadani | Saturday, Jan 7, 2017

Cadaado : HN :-Waxaa markii ugu horeysay soo ifbaxaya khilaaf xoogan oo ka dhax taagan gudoonka sare ee baarlamaanka dowlad gobolleedka Galmudug oo isku  haya howlaha Baarlamaanka Galmudug.

Guddoomiyaha Baarlamaanka Galmudug Cali Gacal Casir oo ku sugan magaalada Muqdisho ayaa shir jaraa’id oo uu qabtay waxa uu ku sheegay in muddo 45 casho oo fasax ah loou kordhiyay xildhibaanada Galmudug

Guddoomiye Casir ayaa ku macneeyay sababaha uu u kordhiyay fasaxa inay tahay in dalka hadda uu galayo marxalad doorasho iyo abaaraha ka jira deegaanada Maamulka Galmudug.

Hase yeeshee guddoomiye ku xigeenka baarlamaanka Galmudug Xareed Cali Xareed  ayaa sheegay in loo diiday xildhibaanada baarlamaanka Galmudug inay furtaan kalfadhiga afaraad isagoo sheegay in ciidamada madaxtooyada Galmudug ay ishortaag ku sameeyeen.

Ugu danbeynti, guddoomiye ku-xigeenka ayaa sheegay in uusan awood u lahayn guddoomiyaha baarlamaanka in uu fasaxo xildhibaanada maadaama uu mooshin ka yaal.

 

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!