Khaliif soo kala dhax-gallay guddiga maamul u sameynta gobollada dhexe

by admin | Thursday, Mar 5, 2015

Cadaado : HN :–Waxaa dib u dhacday qorshaha lugu dhisayay maamulka Koonfurta gobolka Mudug iyo gobolka Galgaduud, sida uu sheegay madaxa amniga ee guddiga ku howlan farsamada maamulka.

Waxaa dhawaan dib loo dhigay qorshaha lugu dhisayo maamulka, balse taas hadda waxaa ka daba timid khilaf la sheegay inuu u dhaxeeyo guddiga farsamada ee maamulka.

Warbaahinta Muqdisho ayaa baahisay hadalka madaxa amniga guddiga farsamada ee maamul u sameynta gobollada dhexe, Cuuke Xaaji Cabdirixmaan kaaso sheegay dibu dhaca shirka inuu yahay mid ku yimid gaabis dhinaca guddiga farsamada.

“Wax walba oo dhaca iyo dibu dhaca shirka dhismaha maamulka, waxaa mas’uuliyadiisa qaadaya guddiga farsamada maamulka oo aan346x221x1139.jpg.pagespeed.ic_.1b07oYz-ok si wanagsan shaqeynayn,marka sida wax ha laga bado,”ayuu yiri Cuuke oo ku baaqay in laga wada shaqeeyo sidii looga qayb-qaadan laha dhismaha maamulka.

Dhowr mar oo hore ayaa dib loo dhigay shirarka lugu dhisayo maamulka,lamana oga xilliga uu furmayo shirka lugu dhisayo maamulka.

Hiiraan Net

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!