Khilaafka madaxda DF oo dib u dhigaya wadda hadalladii dowladda iyo Soomaaliland

by admin | Wednesday, Oct 29, 2014

Muqdisho : HN :– Khilaafka siyaasadeed ee soo kala dhax-gallay madaxda ugu sareysa dowladda Soomaaliya gaar ahaan madaxweynaha iyo ra’iisal wasaaaraha ayaa sabbay in uu dib u dhac ku yimaado wada hadaladii lagula jiray maamulka Soomaliland.

 

Wafdi ka socda Maamulka Somaliland oo uu hogaaminayay Madaxweynaha Maamulkaas Axmed Siilaanyo ayaa shalay ka baaqsaday safar ay ku tagi lahaayeen magaalada Dubai, si ay uga qeyb galaan wada hadalada.

Wararka qaar ayaa sheegaya in dowladda Soomaaliya ay dhankeeda dalbatay in wada hadalka dib loo dhigo, balse wali ma cada warkaas, laakiin mas’uuliyiin ka tirsan Somaliland ayaa lagu wargeliyay in shirkaas uu dib u dhacay.

Dowladda Soomaaliya iyo Maamulka Somaliland ayaa dhowr jeer wada hadalo uu ku dhex maray dalka Turkiga, waxaana sanadkii horekulanka-somaliland-iyo-somaliya_n-650x390 labada dhinac ay heshiis qodobo badan ka kooban ku gaareen magaalada Istanbul.

Qodobo ka mid ah heshiiskaas ayaa dhigayay in 120-cisho kadib labada dhinac ay isugu yimaadaan wada hadal, balse dhowr jeer ayuu dib u dhacay, ilaa ay muddo sanad ka soo wareegatay heshiiskii ay labada dhinac ku gaareen Turkiga.

Somaliland ayaa dhowaan ku eedeysay dowladda Soomaaliya inay wax ka socon la’yihiin dhankeeda, isla markaana qodobadii lagu heshiiyay ay dhaqan gelin weyday, kadib dhowr jeer oo uu dib u dhac ku yimid wada hadalo labada dhinac Turkiga ku dhex mari lahaa.

Imaaraadka Carabta ayaa labo sano ka hor marti gelisay wada hadaladii u horeeyay oo fool ka fool ahaa oo Madaxda dowladda Soomaaliya iyo madaxda Maamulka Somaliland isugu keentay, kadib gudiyadii labada dhinac ka socday ee ku shiray London.

Maamulka Somaliland ayaa sanadkii 1991-dii ku dhawaaqay inay yihiin dal ka madax banaan Soomaaliya inteeda kale, waxaana wali aysan helin wax ictiraaf ah, marka laga reebo ammaan loogu jeediyo heerka uu ka gaaray xaga nabadgelyada iyo dimoqraadiyada.

 Hiiraan Net.

 

 

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!