Khilaafka madaxda sare oo saameyn ku yeeshay shirarkii gollaha wasiirrada

by admin | Friday, Nov 14, 2014

Muqdisho : HN :– Tan iyo markii uu soo ifbaxay khilaafka baahsan ee u dhaxeeya madaxweynaha dowladda Soomaaliya Xassan Sheekh Max’uud iyo ra’iisal wasaare C/wali waxaa gabi ahaanba meesha ka baxay kulamadii ay yeellan jireen xubnaha gollaha wasiirrada oo hadda u muuqda kuwo labo garab u kala safan.

Madaxda ugu sareysa Qaranka ayaa hadda u muuqda kuwo ka doorbiya kulamadii looga hadlli jiray danta umadda Soomaaliyeed kulamo siyaasadeed oo lagu kala jiidanayo xubnaha gollaha wasirrada, gaar ahaan madaxweynaha iyo ra’iisal wasaaraha oo mid walba ku dadaalaya sidii uu xulufo adag ka dhax sameyn lahaa gollaha xukuumada.

Shirka xubnaha gollaha wasiirrada oo maalin walba oo Khamiis ah la qaban jiray, loogana doodi jiray xaalada guud ee dalka sida ammaanka ayaa wixii ka dambeeyay 25-kii bishii hore aanay qabsoomin, waxaana loo aaneynayaa heerka khilaafka uu gaaray iyo wada shaqeyn la’aanta Xubnaha Wasiirada.

Arrimaha layaabka leh ayaa ah in Wasiir iyo wasiir kuxigeenkiisa oo uu saameeyay khilaafka Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha, lanagolaha-wasiirada kala safan labada dhinac ee is haya.

Waxaa kaloo Wasiirada qaar ay gabeen howlahooda iyo xafiisyadooda oo ay yar tahay waqtiga uu wasiir kasta xafiiskiisa fadhiisto, waxaana waqtiga ugu badan ay ku qaataan xafiisyada dhinacyada ay la kala safan yihiin.

Maalmaha soo socda ayaa la filayaa in kulamadii baarlamaanka ay dib u bilowdaan, kadib buuqii iyo sawaxankii maalmo ka hor ka dhacay fadhigii Baarlamaanka, waxaana la filayaa in kulanka ugu soo horeeya lagu qeybiyo mooshinka ka dhanka ah Ra’iisul Wasaaraha, isla markaana maalmaha xiga loo qaado codka kalsoonida.

 Hiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!