Khilaafka u dhexeeya wasaarada maaliyada iyo maamulka gobolka Banaadir oo meel xun maraya

by Yahye | Wednesday, Oct 15, 2014

Muqdisho; HN;- Khilaaf baán ayaa ka dhex taagan maamulka gobolka Banaadir iyo wasaarada maaliyada, Khilaafkan oo salka ku haya canshuur la sheegay in wasaarada maaliyadu ka qaado magaalada Muqdisho.

Khilaafkan ayaa la sheegayaa in uu maraya xaal barako ma leh iyadoo maamulka gobolka Banaadir uu Madaxweynaha ugu baaqay inuu soo fara geliyo khilaafka iyaga iyo Wasaarada Maaliyada.

Maamulka gobolka Banaadir ayaa ku doodaya inaanay helin saami ahaan intay xaq u lahaayeen.

Afhayeenka Maamulka Cali Seeko oo xalay shir jaraa’id ku qabtay xarunta Maamulka Gobolka ayaa sheegay in dowladda hoose ay xaq u leedahay inay qaado canshuuraha gudaha, isagoo yiri hadii Wasaarada Maaliyada aay canshuur qaadeyso aay ka qaado wadanka oo dhan ee aanay ku mashquulin magaalada Muqdisho kaliya.

Cali Seeko ayaa sheegay in qoondadii Maamulka Gobolka uu ku lahaa dekeda Muqdisho oo aheyd dakhliga ka soo xarooda in laga siiyo 15% ay wali la’yihiin, isagoo xusay in ilaa 164-kun oo doolar oo la bixiyay aanay qasnada ku jirin, isla markaana aan la ogeyn meel ay ka baxday.

“Wali waxaan la’nahay 15%, marka aan leenahay Madaxweynaha ha soo fara geliyo waa tan 164-kun oo dolar oo foojir ku qoran qasnadiina lacag kuma jirto, xagee ka baxday, waxaa u baahanahay in la xisaabtamo, dekeda lacagtaas waa laga soo qaaday qof jeebkiisa miyay gashay” xageey ka baxday ayuu yiri Cali Seeko.

Afhayeenka Maamulka Gobolka Banaadir ayaa sheegay in ilaa iyo hada ay maqan tahay gunadii dowladda Hoose iyo Maamulka Gobolka ay qaadan lahaayeen, isla markaana lacagtiina la bixiyay, akoonkiina aanay ku jirin.

Waxaa uu wax lala yaabo ku tilmaamay in xoogii dadka in meel walba lagu canshuurayo, isla markaana wasaarada maaliyada ay meel kasta taagan tahay, isagoo xusay in haweenka caanaha keena la canshuurayo, cooskii magaalada la keenayay la canshuurayo, dhagaxii guryaha lagu dhisayay la canshuurayo, taasna aanay aheyn wax sax ah.

Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa shalay si kulul uga hadlay canshuuraha wasaarada maaliyada ay ka qaado magaalada Muqdisho, taasoo uu ku tilmaamay in aanay sharci aheyn, waxaana uu ka digay hadii ay sidan ku sii socoto inuusan ku sii fikiri karin in xilkiisa sii haayo.

Dowlada Somaliya ayaa canshuur waxay ka qaadaa oo kaliya magaalada Muqdisho halka wadanka intiisa kale aay canshuurahooda qaataan maamulada halkaa ka jira iyadoon walaa wasaarad maaliyad ama dowlad ahaan waxba laga siin.

Hiiraan Net

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!