Khubadii madaxweyne Xassan Sheekh ee shirka wada-tashiga Qaran

by admin | Tuesday, Oct 20, 2015

Muqdisho : HN :– Madaxwyenaha dowladda Soomaaliya Xassan Sheekh Max’uud ayaa khubad dheer oo dhinacyo badan taabaneysay ka jeediyay shirka wadda tashiga Qaranka iyo hanaanka doorashad 2016-ka 19 October 2015 .

Khudbada madaxweynaha ayaa sidda ku bilaabatay :

Sharaf weyn bay ii tahay inaan maanta si rasmi ah u daah furo furo Madashii ugu horeysey ee Wadatashiga Qaran ee looga arrinsanayo hannaanka doorashada ee waddanku yeelanayo sannadka 2016-ka.

Waxaan maanta Soomaaliya u hibeyneynaa haddiyad tan ugu wanaagsan ee aan qarankeena siin lahayn: taas oo ah haddiyadda xa-Hassan-Sheikh1dimoqraadiyadda.
Fursaddan waa mid aan ugu talagalney in lagu aqoonsado xuquuqda muwaadin kasta u leeyahay inuu talo ku yeesho sida uu noqonayo waddanka ay ku nool yihiin. Waxa aan maanta halkan uga dhabeyneyno, haddii aad tahay qof ka soo jeeda beel hebel ama magaalo heblaayo, ha noqoto Kismaayo, Beledweyne, Muqdisho, Gaalkacyo iyo meelo kaleba, shaqo ama xil walba aad hayso ama xaalad kasta oo aad ku sugan tahayba, waxa weeyaan in aan Soomaalida siino fursad ay ku doortaan nooca mustaqbalka ay doonayaan.

Waxaanu bilaabeynaa hannaan aan ku abuureyno nidaam inoo horseedi doona inaan ku ilaalino xuquuqdaasi.

Ma filayo in sidii la rabey aan u cabbiri karo muhimadda kulankan maanta inooga furmaya Muqdisho.

Qeybo badan oo dunida ka mid ah, waxaanu maalin kasta aragnaa talaabooyin kala duwan oo dad doonayaa inay gaaraan aaya- ka- talintooda, oo rabitaankooda la meel marinayo. Qaar ka mid ah nidaamyadan ayaa noqda kuwo lagu burburinayo waxyaabaha aasaasiga ama muhiimka u ah in la ilaaliyo.
Haddaan nahay Soomaali, waxaa nasiib wanaag ah, inaan halkan isugu nimid si nabad ah. Hal ujeeddo ayaan dhamaanteen maskaxda ku wada haynaa: ujeeddadu waxay tahay inaan xaqiijino, inagoo hal dal ah, inaan ku mideysanahay rabitaankeena ah in awoodda maamulka ee Soomaaliya lagu xukumayo si sharci ah, iyo si daah-furnaan ah la isugu wareejiyo, taasina ay inoo noqoto hab dhaqan aan mar walba isticmaalno.

Waxaan halkan isugu nimid inaan bilowno nidaam u oggolaanaya ruux kasta oo Soomaali ah inuu hadlo, lana dhegeyso. Waxaa hannaankan uu ka dhigan yahay nidaam aan ku wajahayno xaaladaha dhabta ah ee muhiimka ah ee waddankeena haysta. Saddexda bilood ee soo socda, waa inaan ka doodnaa noocyada doorasho ee inoo furan, dalkeenana ku habboon, kuwaas oo inoo horseedi kara inaan helno nidaam ay ku qabsoomaan doorashooyin xor ah oo caddaalad ku dhisan.

Ma nihin ummad ay ka luntey diiradda iyo rajadii ay ku gaari lahayd hadafkeeda ah inaan ugu dambeyn qabano doorasho qof iyo cod ah. Dhab ahaantii doorashooyinka tooska ah waa kuwo ay u dhameystiran yihiin imkaaniyaadka dimoqraadiyadda ee bulshada oo dhan ay talo ku leeyihiin, waxaana dadaal weyn u geli doona inaan hadafkaasi ka dhigno mid la gaari karo sannadka 2020-ka.
Laakiin yaaney marnaba dhicin in la idin ka dhaadhiciyo inaan hiigsiga 2016 ee Soomaalida ay wada sugayaan aan dhaafsaney waxyaabo yar yar oo dano shakhsiyadeed la xiriira.

Saddex sanno ka hor, markii dowladeyda ay talada qabatey, waxaanu sameyney barnaamijka Hiigsiga 2016-ka. Waxaan markaasi aqoonsaney saddex arrimood oo aan u aragney inay muhiim u yihiin inay Soomaaliya si buuxda dib ugu soo kabato: Waxaa arrimahaasi ka mid ahaa in dib u eegis lagu sameeyo dastuurka, lagana dhigo mid qeexaya doorka dowladnimada iyo xuquuqda shacabka Soomaaliyeed, isla markaana la meel mariyo dastuurkaasi si dhab ahna loogu dabaqo waddanka oo dhan. Waxaa kale oo aan go’aansaney dhameystirka nidaamka federaalka ama baahinta xukunka, si loo abuuro qaran mideysan oo ka tarjumaya taariikhdeena dhabta ah, balse aan naga dhigeyn ummad la-hayste u ah taariikhda ama waxyaabihii hore inoo soo marey.

Waxaa kale oo aan go’aansaney inaan xukunka si nabad ah u wareejino sannadka 2016-ka.
Saddex sanno kadib waxaan ka dhabeyneynaa fikirkaasi ama hiigsiga aan xiligaasi jeexney.

Nidaamka dib u eegista iyo dib u qorista dastuurka waa uu bilowdey. Sannadka soo socda, waxaan rajeynayaa inay qabsoonto dood si heer qaran ah loo soo agaasimey, oo ay horkacayaan Guddiga Madaxabanaan ee Dib u Eegista Dastuurka iyo Fulintiisa. Dooddaasi waxay ku saleysnaan doontaa in si hufan diiradda loo saaro sida dastuurkaasi uu uga tarjumayo arrimaha haatan ina horyaalla iyo hawlaha kale ee la filan karo in dowladnimada ay yeelato, iyadoo loo eegayo doorka shacabkeeda ay ku leeyihiin.

Nidaamka federaalka waxaa uu muhiim u yahay xasiloonida qarankeena iyo aqoonsigeena qaranimo. Saddexdii sanno ee la soo dhaafey waxaan taageerney, gacan weyna ka geysaney dhismaha saddex maamul goboleed oo KMG ah, iyadoo lagu saleynayo dastuurka inoo degsan.
Dadaalku weli wuu socdaa, iyadoo haatan ay socdaan wadaxaajoodyo la xiriira qaabka loo dhisayo maamul goboleedkii ugu dambeeyay ee KMG ee dalka ka hanaqaadi doona ee loo sameynayo gobollada Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe. Tani waxay noqon doonta qeybtii ugu dambeysey ee khariiddada barnaamijka federaaleynta Soomaaliya.

Maanta waxaa inoo bilaabanaya hannaan muhiim u ah tiirarka dowladnimadeena aan ku xajisaneyno, kuna sii xoojineyno.
Hannaanka dowlad dhisidda waa inay noqotaa mid ay shacabku hoggaaminayaan. Ma noqon karto mid asal ahaan ku saleysan in shacabka qeyb ahaan laga reebo amaba aan door laga siin fulintiisa iyo natijada ka soo baxda intaba. Waa inuu noqdaa mid laga wada qeybgeli karo, wakiilo loo dhan yahay ay joogaan, cid walbana ay xaq u yeelato inay talo ku yeelato. Codka dadka ee laga yaabo inay muddo dheer halgan ugu jireen sidii loo maqli lahaa waxaa khasab ah in la xoojiyo, fursadna la siiyo.

Cidna dad meel jooga dowlad uma dhisi karto, waxaana waajibkaasi iyo shaqadaasi iska leh ummadda qarankaasi iska leh. Aniga, walaa Ra’iisul Wasaaraha amaba beesha caalamka ma dhisi karaan dowlad.
Waxaan idin sheegayaa Soomaali ahaan, in hannaankan dowlad dhisidda uu yahay waajib idin saaran oo la idin kaga fadhiyo. Waa in la idinka qeybgeliyaa nidaamka dowlad dhisidda, la idin dhegeystaa, aad fikir la timaadaan, talooyin soo jeedisaan, isla markaana aad xiriir ka wada sameysaan dhexdiina waxyaabaha aad dooneysaan.

Waxyaabaha aan ka munaaqishooneyno qaran ahaan saddexda bilood ee soo socota waa inay noqdaan kuwo ka tarjumaya hadafka aan dooneyno inaan wada gaarno ee ah: xoojinta hannaanka sharciyadeed ee dowladnimada oo lagu gaarayo hab ku saleysan dimoqraadiyada iyo kaabeyaasha kale ee muhiimka u ah dhaqangelinta nidaamka dimoqraadiyadda.

Waxaa inaga go’an inaan hirgelino nidaam baahsan oo loo wada dhan yahay, kaas oo natiijo kasta oo ka soo baxda loo baahan yahay inay noqoto mid ay go’aamiyeen bulshada Soomaaliyeed ee maanta joogta, isla markaana sare u qaadeysa ka qeybgalka dadka laga tirada badan yahay iyo dumarka. Waa in nidaamkaasi uu noqdaa mid daah-furan, dadku ay kalsooni ku qabaan sharciyadda natiijada ka soo baxda, isla markaana waxa ka soo baxa ay noqdaan kuwo dalka oo dhan laga hirgelin karo, iyadoo lagu saleynayo khibradda iyo imkaaniyaadka kale ee aan leenahay ee inoo saamaxayaa inaan hawshaasi ku fulino.

Waxaa intaas oo dhan ka muhiimsan in natiijo kasta oo ka soo baxdaa madashan wadatashiga ay noqoto mid kobcineysa ama xoojineysa midnimada qaranka.

Waxaan idin xusuusinayaa in xuquuq kasta oo qofku yeesho ay la socdaan mas’uuliyado. Haddaba iyadoo laga ambaqaadayo hannaanka doorasho ee 2016-ka, waxaan marnaba dhici karin in si khaldan loo fahmo mas’uuliyadahaasi amaba la iska indha tiro.

Inta lagu guda jiro hannaankan, waxaa jiri doona fursado lagu wadahadlo, balse aan ahayn kuwo lagu kala tago. Waxaa jiri doona fursado aragtiyo kala duwan la isku weydaarsado, balse aan ahayn kuwo la siyaasadeynayo oo dadka lagu kala fogeynayo. Waxaa jiri doona fursado wadaxaajood lagu galo, balse aan ahayn kuwo aragtiyo khaldan amaba caqabado lagu abuurayo.

Shacabka Soomaaliyeed wuxuu istaahilaa guul ama inuu najaxo, balse uma qalmo kuwa qas wadeyaal ah.
.
Ka Madaxweyna ahaan, waxaa iga go’an xaqiijinta in madashan ay noqoto mid sida ugu macquulsan ee heerkeedu sareeyo looga wada qeybgalo.
Ma jirto su’aal marnaba la yareysan karo, ma jiro fikir aan la dhegeysan doonin, ma jiro wadahadal ama wadaxaajood loo arki doono inuusan mudneyn in la dhegeysto inta madashan lagu guda jiro.

Shacabka Soomaaliyeed, Mudaneyaal iyo Marwooyin,

Muddo 47 sannadood ah oo nus qarni ku dhow, waxaan sugeyney in fursaddan oo kale ay ina soo marto. Dagaal badan oo dhacay, colaado, dhib iyo halgan dheer kadib, dulqaadkeenii dheeraa waxaa uu inoo saamaxay inaan meesha aan halkan joogno aan soo wada gaarno.

Yaan marnaba la lumin fursaddan. Waa waqtigii Soomaaliya ay hadli lahayd.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!