K/kuuriya oo muwaadiniin uga digtay

by wadani | Tuesday, Jan 3, 2017

K/kuuriya : HN :-Xukuumada Koonfur Kuuriya “South Korea” ayaa ka mamnuucday muwaadiniinteeda inay usoo safraan dalka Soomaaliya, sababo la xiriira dhanka amaanka.

War qoraal ah oo kasoo baxay dowladda kuuriyada Koonfureed ayaa looga mamnuucay muwaadiniinta dalkaasi u dhashay inay u safraan dalalka Soomaaliya, Syria, Yemen, Libya iyo Afghanistan ilaa lixda bilood ee soo socota.

Dowladda waxay kordhisay muddada horey loo joojiyay in loosoo safraa dalalka Soomaaliya ay ku jirto, waxaana la gaarsiiyay ilaa 31 July.

Wasaaradda arimaha dibadda dalkaasi ayaa u sheegtay dadka u dhashay Koonfurta Kuuriya inay ka taxadaraan u safridda dalalka Soomaaliya ay ku jirto, cabsi dhanka amaanka ah darteed.

Waxaa loogu baaqay dadka hadda ku sugan dalalka amni darada laga sheegayo inay muujiyaan feejignaan dheeri ah.

Mar sii horeysay qoraal kasoo baxay dowladda Kuuriyada Koonfureed ayaa looga digay muwaadiniinta dalkaasi u dhashay inay u safraan dalal Soomaaliya ay ku jirto.

Ugu danbeyntii, mar walbaa oo qaraxyo culus ay ka dhacaan magaalada Muqdisho iyo magaalooyinka dalka, waxaa soo baxa digniino dadka ajaaniibta laga siiyo inay Soomaaliya usoo safraan, waxaana gudaha dalka ku sugan ajaaniib fara badan.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!