Kolanyo ay la socdeen gadiidka AMISOM oo dul maray haweeney da’ah, Muqdisho

by wadani | Thursday, Dec 15, 2016

Muqdisho :HN :-Kolanyo ay la socdeen gadiidka AMISOM ayaa duhurnimadii maanta ku dillay haweeney Da’ ah inta u dhaxeysa wadada aada Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde iyo Isgoyska KM4.

Haweeneyda ayaa goobta nafta kaga baxday, waxaana wadada yaalay dhiig ka baxay, iyadoo taayarada baabuurta ay ka mareen qeybaha sare ee jirka.

Goob joogayaal ayaa sheegaya in kolonyada oo xowli ku socday jiireen haweeneydan, kadibna ay ka sii dhaqaaqeen, waxaana markii dambe goobta soo buuxiyay dadweyne fara badan.

Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska oo ka ag dhowaa goobta ayaa ka daba cararay kolonyada Ciidamada AMISOM, waxaana ay soo qabteen ninkii darawalka ahaa.

Ugu danbeyntii, gadiidka ciidammad AMISOM oo xawaare ku socda ayaa marar badan oo hore siddan oo kale u jiiray dad rayid. mana jirto ilaa iyo hadda tallaabo arinta laga qaaday.

 

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!