Koobkii lagu maamusayay eng. Shirwac oo Galkacyo ku soo dhamaaday, SAWIRO

by Yahye | Saturday, Sep 22, 2012 | 147 views

Galkacyo: HN: Tartankan kubadda cagtaa oo soo biloowday 18 bishan September 2012ka ayna ka qayb galayeen affar kooxood oo heerka 2aad ah kana kala socday waqooyiga iyo koonfurta Gaalkacyo ayaa galabta lagu soo afmeeray garoonka Cawaale.

Gaba-gabadii tartankan oo ay isugu soo hareen labada kooxood ee kala ahaa Kaambo iyo Faleembo ayaa galabta waxay waqtigee caadiga ahaa ee loogu tala galay waxaa uu ku idlaaday 1-1 taasoo markii danbe lagu kala saaray rigoore ama waxa loo yaqaan (lug-kulaad), waxaana guusha ay halkaasi ku raacday kooxda Kaambo.

Munaasabadii tartankan lagu xirayay maanta oo taariikhdu ahayd 21-Sep-2012 oo dunidoo dhan laga xuso maalinta nabadda waxaa ka qayb galay maamulka gobolka,kan degmada saraakiil iyo maamulka dhalin-yarada iyo ciyaaraha ee labada maamul ee gobolka ka kala taliya.

C/qani Khaliif Carabeey oo tartankan iyo marxaladihiisii ka warbixiyay ayaa tilmaamay inay u soo mareen halgan iyo dhabar adayg ballaaran, taasina ay keentay inuu si habsami leh ku idlaado, Carabeey ayaa dhalin-yarada ku booriyay inay ka faa’iidaystaan fursadahan oo kale waxaana uu carabka ku dhuftay dadaalkii dheeraa ee ay Hay’adda Hirda u gashay qabsoomida tartankan, iyo sida ay ugu xuseen marxuum Cali Xaaji Shirwac oo ahaa daneeye dhinaca bulshadaa qiimo weyna ku lahaa.

Gudoomiyaha dhalin-yarada iyo ciyaaraha gobolka Mudug Cabdi hodan Dayax-leef ayaa dhankiisa Hay’adda Hirda ku booriyay inay sii laba jibaaraan dadaalka iyo kartida noocaan oo kalaa, Dayax-leef ayaa tilmaamay inay arintani tahay mid wax ku ool u ah bulshada wuxuuna ballan qaaday inay dhan walba kala shaqaynayaan sidii loo hormarin lahaa dhalin-yarada, Hirdana ay tahay mid ka mida Hay’adaha sida weyn u gacan qabta dhalinyarada kana caawiya xirfadooda.

Gaba-gabadii ayaa xubno u hadlay labada kooxood ee Finalka isla soo gaaray waxay Eebe marxuum Cali Xaaji oga baryeen inuu janadii ka waraabiyo, waxayna dhanka kale bogaadiyeen qaabkii uu tartankan ku biloowday iyo sidii wacnayd ee uu ku dhamaaday.

Agaasimaha Hay’adda Hirda Faadumo Faarax ayaa laga filayaa inay sii ballaariso barnaamijyadan oo kale, maadaamaa lagu dhiiri galiyay inay kor u sii qaado.

Ma ahan markii ugu horasay oo Hay’adda caalamigaa ee Hirda bulshada Soomaaliyeed ay u qabato tartan iyo barnaamijyo bulsheed oo kaalin weyn ka ciyaara arimaha bulshada, gudaha iyo dibadaba.

Hiiraan Net

Like it? Share it!