Kooxda Al-shabaab oo faah faahin ka bixisay dagaalo ka dhacay gobollada Hiiraan iyo Bakool

by Somali | Sunday, Feb 3, 2013

Abu-MuscabMuqdisho : HN :  Xarrakada Al-shabaab ayaa faah faahin dheeraad ka bixisay weerar ay ku qaadeen saldhigyo ku kala yaaala gobollka Bakool iyo Hiiraan, iyaga oo sheegay in ay khasaare u geysteen ciidamada Itoobiya iyo Jabuuti ee  ku kala sugan labada gobol.

Waxaa uu sheegay afhayeenka kooxda Al-shabaab u qaabilsan dhinaca howlgalada in dagaalyahannadooda xalay weerar qorsheysa ku qaadeen fariisimo ciidamada dowladda iyo kuwa Itoobiya ku lahaayeen degmada Xudur ee gobollka Bakool.

‘’Howlgal xoogageena ay ka sameeyeen degmada Xudur ee gobollka Bakool waxaa ay khasaare xoog leh ku gaarsiiyeen ciidamada xabashida ‘’Itoobiya’’ iyo kuwa dowladda Soomaaliya oo halkaa saldhigyo ku lahaa,’’ ayuu yiri C/siis Abuu-muscab.

Dhinaca kale, waxaa uu soo hadal qaaday afhayeenka Al-shabaab dagaal culus oo labo habeen ka hor ka dhacay magaalada Baladweyne ee xarunta gobollka Hiiraan, isaga oo sheegay in xoogagga Al-shabaab khasaare xoog leh sida uu hadalka u dhigay ku gaarsiiyeen ciidamada Jabuuti.

C/casiis Abuu-muscab waxaaa uu ku tilmaamay ciidamada Jabuuti in ay yihiin kuwo sida uu hadalka u dhigay ku soo duulan dalka Soomaaliya, islamarkaana sii wadi doonaan weerarada ka dhan-ka ah.

Al-Shabaab oo gacantooda ka baxay magaalooyin ku yaala Koofurta iyo bartamaha Soomaaliya ayaa weeraro ku qaaday fariisimaha ciidamada dowladda iyo kuwa taageeraya ee ka socda dalalka deriska ah.

Hiiraan Net.

Like it? Share it!