Kooxda Al-shabaab oo isaga baxay degmada Baraawe

by Yahye | Saturday, Oct 4, 2014

Muqdisho; HN;- Wararka ka imaanaya degmada Baraawe ayaa sheegaya in Kooxda Al-Shabaab aay galabnimidii jimcaha isaga baxeen magaalada xeebta ku taal ee Baraawe, magaaladaas oo noqoneysa magaaladii ugu dambeysay ee ay kooxda ku xoogganeyd.

Dad goob-joogeyaal ah ayaa sheegay inay arkeen dagaalyahannada kooxda oo saaran gaadiidka dagaalka oo ka sii baxaya magaalada.

Al-Shabaab ayaa u sheegtay dadka magaalada Baraawe inay saldhigyo ka sameysaneyso dibadda magaalada si ay uga hor-tagto in lagu dul dagaallamo dadka rayidka ah.

Madaxda Al-Shabaab iyo qoysaskooda ayaa la sheegay inay ka mid yihiin xubnaha ka cararay magaalada.

Ciidanka dowladda federaalka Soomaaliya iyo kuwa AMISOM oo ku sugan meel aan ka fogeyn magaalada ayaa loo maleynayaa inay maanta  gudaha u galaan magaalada.

Hiiraan Net

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!