Kooxda ISIS oo gowracday muwaadin u dhashay dalka Mareykanka oo muslim ahaa

by admin | Sunday, Nov 16, 2014

Ciraaq : HN :– Kooxda ISIS ee ka dagaallanta dalalka Ciraaq iyo Suuriya ayaa lagu waramayaa in ay gowraceen muwaadinkii shanaad ee u dhashay dalalka reer galbeedka, waxaana shaqsiga la gowracay lagu waramayaa in uu ahaa muwaadin Mareykanka ah.

Muwaadinka Mareykanka ah ee la gowracay ayaa diinta Islaamka qaatay, waxaana uu magaciisa ku bedelay C/raxmaan Kassig  isaga oo horay loo oran jiray Peter Kassig..

Mr Kassig oo 26-jir ahaa ayaa horay uga mid ahaa ciidamada Mareykanka ee galay Ciraaq toban sano ka hor, waxaana uu qaabilsanaa howlaha caafimaadka ee deg dega ah.

Muuqaalka ay soo bandhigtay ISIS ayaa waxaa ka muuqday nin wajiga u xiran oo kor taagan dhowr madaxyo dhiig leh, oo ay kuKassig sheegeen inuu ku jiro Mr Kassig, sidoo kale waxaa ka mid ahaa tobaneeyo kale oo saraakiil iyo duuliyeyaal ka mid ahaa Ciidamada Suuriya.

Waalidka Mr Kassig oo degan gobolka Indiana ee dalka Mareykanka ayaa bishii hore sheegay waxyaabihii ku qornaa warqad uu u soo diray wiilkooda oo uu ku sheegayo dhibka haysta, oo aysan ka wal walin hadii uu ka tago.

Ninka wajiga xirnaa oo horay u gowracay ilaa afar muwaadiiniin u kala dhalatay Mareykanka iyo Britain ayaa mar kale fariin u diray Obama oo u sheegay in berri ay ciidamadiisa marka ay gacanta ku dhigaan ay gowrici doonaan.

Dowladda Islaamiga ee ISIS ayaa ku sababeeyay dhamaan dadkii ay gowraceen ee reer Galbeedka ahaa fara gelinta Mareykanka uu ku haayo dalalka Ciraaq iyo Suuriya iyo weerarada cirka ah oo uu horkacayo ee ka dhanka ah Ururkooda.

Hiiraan Net.

 

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!