Kooxda ISIS oo sheegatay mas’uuliyadii qaraxyadii iyo weerarkii Paris

by admin | Saturday, Nov 14, 2015

Paris : HN :–Kooxda ISIS ayaa markii ugu horeysay ka hadashay weeraradii xalay ka dhacay magaalada Paris, iyaga oo sheegay in ay weerarkaa ka danbeeyeen kuwaasoo in ka badan 128-qof ay naftooda ku waayeen, iyadoo weerarkan lagu tilimaamay kii ugu xumaa ee Faransiiska ka dhaca muddo sannado ah.

Booliiska Faransiiska ayaa sheegay in tirada weerarradan ku dhaawacmay180-qof ay kala bar dhaawacyo culus qabaan, inkastoo aysan sheegin inay ciidammo ku jiraa iyo in kale.

Madaxweynaha dalka Faransiiska, Francois Hollande ayaa cambaareeyay weerarradaan ay kooxda ISIS ka geystay Paris, isagoo sheegay in weerarradan uu yahay mid ay ISIS kusoo qaadday dalka Faransiiska. Wuxuuna intaas ku daray inay yihiin kuwo laga soo abaabulay dibadda dalka Faransiiska.

20151114635830881143568209Weerarkii_Paris_ka_dhacay (1)“Marka ay qaraxyadu weerar noocan oo kale ah ka geysanayaan Faransiiska, way og-yihiin inaan jawaab adag ka bixin doonno,” ayuu yiri Francois Hollande, oo intaas raaciyay inuu ka baaqday shir uu uga qayb-geli lahaa dalka Turkiga.

Ugu dabmeyn, ma jiraan warar rasmi ah oo ku saabsan khasaaraha ka dhashay weerarradan xalay ka dhacay magaalada Paris, iyadoo booliisku Faransiisku ay ku sheegeen warbixin ay maanta soo saareen in dhimashada dadkii ku geeriyooday weerarradaan ay gaarayaan 128-qof, lana dilay toddoba ka mid ah siddeed qof oo ay sheegeen inay weerarradan geysteen.

Hiiraan Net.

 

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!