KOOXDA QAYLO DHAAN OO HEESTII DHAGAXTUUR SOO SAARAY

by Yahye | Saturday, Dec 10, 2011
Kooxda Qaylo-dhaan ayaa todobaadkan ku soo bandhigay magaalada Nairobi hees cusub oo layiraahdo (Dhagaxtuur) heesta oo xambaarsan murti baaxad leh ayaa waxaa alifay Abwaanka Soomaaliyeed oo kamid ah kooxda Qaylo-dhaan Abwaan AD.
 

eylodhaan- dhagax-tuur

Heestoo qoraala aqriso::

Dhakafaarka aduunka
Dhacdadaan nala fiirsha

Kuwii dhiiga cabaayay
dayarteeni dhameeyay
Dhulkeenii kala gooyay.

Toban dheehna uyeelay
gumeystuhu uu ku dhaarto

Shaxda seey udhaceeyso
dib inay udhismaan baa
Shirarka loodhigayaa

Siyaasadiinan dhibta’ah
Villa-da dhaafin dhexdeeda
Dadwaynihii ku dhamaaye
Dhamaantiinba na dhaafa

**
war horaan u dhamaynay
waana waanu ku dhoobnay

dhagahay ka xidheen
warka aynu dhahayno
Hadii ay dhakhso yeelin

Dhiilo weeye colaadeed
dhimashaa sidan dhaanta

baarlamaanka hor dhoobta
dhagax tuuradku waa
ilaa ay ka dhacaan

Siyaasadiinan dhibta’ah
Villa-da dhaafin dhexdeeda
Dadwaynihii ku dhamaaye
Dhamaantiinba na dhaafa
****
Qoxootibaanu ku dhamaanay
Ilmihii dhaqan-guuray

Afkoodii ka dhaqaaqay
Dhinac loo dhigi maayo
Suwaalka ka dhacaaya

Dhagahayba birteenbee
Waxa keenay dhibtaa

Danaheenii dha-dhaamay
Dawlad aan dhab ahayne
Shacabkoow dhiso taada

Siyaasadiinan dhibta’ah
Villa-da dhaafin dhexdeeda
Dadwaynihii ku dhamaaye
Dhamaantiinba na dhaafa

**
Dhimanayoo ma noollin
Shacabkeenii dhamaaye’

Dunidiina na dhaaftay
Ruwaayada ay dhigayeeniyo
dhagarti socon wayday

Dhimashaa na hortaalla
Aan dhamaansho lahayn

Wakhtigoogii dhamaayay
Augosto yayna nala dhaafin
Dhagaxtuuradu waa

Siyaasadiinan dhibta’ah
Villa-da dhaafin dhexdeeda
Dadwaynihii ku dhamaaye
Dhamaantiinba na dhaaf

 Xigasho Qeylodhaan.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!