Kooxo afduubtay diyaarad laga leeyahay Liibiya oo ka dajiyay Malta

by wadani | Friday, Dec 23, 2016

Malta : HN : -Diyaarad rakaab oo laga leeyahay dalka Liibiya oo ay saaranyihiin 118 qof ayaa la afduubay waxaana lagu qasbay inay ka dagto jasiiradda Malta, sida ay xaqiijisay shirkadda diyaaradaha Afrqiyah.

Mas’uuliyiinta dalka Liibiya ayaa xaqiijiyay in la afduubay diyaaradda iyadoo ku guda jirtay duulimaad maxali ah. Diyaarada ayaa waxaa hadda ku hareereysan ciidammo iyadoo la geliyay heegan sare shaqaalaha gurmadka deg-degga ah.

Wararka ayaa  waxaa ay sheegayaan in diyaarada ay afduubteen labo ruux oo  sheegtay inay ku hubeysan yihiin bambaanooyin. Garoonka Malta ayaa qayb ahaan la xiray iyadoo duulimaadyada qaar loo weeciyay jasiiradda Taliyaaniga ku taallla ee Sicily.

Diyaaradan oo nooceedu yahay The Airbus A320 ayaa waxaa saaran 82 rag ah 28 dumar ah iyo hal cunug iyadoo diyaaradan ay ka duushay garoon ku yaal Sebha Tmenhant iyadoo ku sii jeeday magaalada Tripoli.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!