Kooxo hubeysan oo dad isku qoys ah xalay ku dillay xaafadda Howl-wadaag ee magaalada Beledweyne

by admin | Saturday, Mar 7, 2015

Beledweyne : HN :– -Kooxo habeysan ayaa habeennimadii xalay ku dishay guri ku yaalla xaafadda Howl-wadag ee magaalada
Beledweyne nabadoon lagu magacaabi jiray Axmed Aadan Xassan [Axmed Siyaar]  wiil 8 sanno jir ah oo uu dhalay iyo ruux ilaalo u ahaa oo la sheegay in uu adeer u ahaa nabadoonka la dillay.

Kooxaha hubeysan ayaa siddoo kale dhaawacay xaaska nabadoonka iyo gabar uu dhalay sidda uu sheegay guddoomiyaha degmada Beledweyne Max’ed  Cismaan Cabdi Qalaafoow.

Guriga uu falka ka dhacay ayaa waxaa gaaray ciidammada maamulka  gobolka Hiiraan, hasse ahaatee ma jirto cid ay ciidammada uBastoolad-12 qabteen falka dlka ah ee loo geystay saddexda ruux ee isku qoyska ka soo wadda jeeday.

”Kooxaha weerarka geystay waxaa ay ka tirsanaayeen Al-shabaab  tiradooda ilaa siddeed ruux ayaa naloogu sheegay, waana ku raad
joognaa ” ayuu yiri guddoomiyaha degmada.

Dhawaan ayeey aheyd markiii xaafadda Howl-wadaag ee magaalada Beledweyne kooxo hubeysan ku dilleen ganacsade Cumar Max’ed Nuur [Xaaji Quroow] oo ilaa iyo hadda dilkiisa cidna loo soo qaban.

Hiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!