Kooxo hubeysan oo haweeney da’ah ku dhaawacay degmada Deyniile

by admin | Wednesday, Sep 24, 2014

Muqdisho : HN :–Kooxo dabley ah ayaa habeenimadii xalay dhaawac culus ugu geystay xaafada gubta ee degmada Dayniile haweeney da’ ah, kaddib markii goobteeda ganacsi ay ku weerareen.

Wararku waxaa ay sheegayaan in haweeneyda oo 57-jir ahayd lagu magacaabi jiray Xasno Maxamed, waxaana la sheegay in kooxaha dhaawaca rasaas madaxa kala beegsadeen.

Wiil ay haweeneydan dhashay ayaa warbaahinta u sheegay inaysan ogeyn sababta loo beegsaday hooyadii oo da’ ahayd, balse weerarka uu filayo inuu la xiriiro dhaawac wiil ay dhashay loo geystay, kaasoo la doonayya in la dilo.

“Xalay ayay kooxo hubeysan soo weerareen hooyaday oo 57-jir ah xilligaana ku sugnayd goobteeda ganacsiga, dhaawac culus ayayna uBastoolad (1) geysteen, kaddib markii ay dhowr xabbadood madaxa kaga dhufteen. Falkanna wuxuu u ekaa in la doonayay in lagu dilo,” ayuu yiri Maxamed Muxiyadiin oo ka mid ah wiilasha ay dhashay haweeneydan la dhaawacay.

Illaa hadda ma jirto cid sheegatay weerarka haweeneydan lagu dhaawacay, iyadoo sidoo kalena aan la ogeyn sababta rasmiga ah ee dhaawaceeda ka dambeysay.

Ma ahan markii ugu horreysay oo qof haweeney ah dhaawac ama dil loogu geysto Muqdisho, iyadoo xilliyadii dambe ay soo kordhayeen weerarada lala beegsanayo haweenka ganacsiga ku leh Muqdisho.

Hiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!