Kooxo hubeysan oo Injinneer ku dillay deegaan ka tirsan gobolka Hiiraan

by admin | Wednesday, Jan 7, 2015

Beledweyne : HN :– Waxaa saakay laga duuliyay garoonka diyaaradaha Ugaas Khaliif ee magaalada Beledweyne meydka alle ha u naxariisteen Injineer Ibraahim Cali Axmed oo maalintii shalay rag hubeysan ku dilleen deegaan ka tirsan gobolka Hiiraan.

Rag hubeysan ayaa la sheegay in ay rasaas ku fureen gaarigii uu la socday Injineerka oo ku safrayay deegaan u dhaxeeya Hees iyo Coomaad ee gobolka Hiiraan, waxaana la sheegay in uu kormeer ku hayay ceel biyoodyo laga hergalinyo dhulka miyiga ah.

Illaa iyo hadda lama hayo faahfaahin rasmi ah oo la xiriirta sababta keentay dilka Injineerka oo ku howlanaa kormeer uuSomalia: Conflict ku sameynayay ceel-biyoodyo la doonayay in laga hergaliyo deegaannada miyiga ah.

Saraakiisha maamulka gobolka Hiiraan wali kama aysan hadllin dilka Injineer Ibraahim Axmed iyo sababta keentay in la weeraro gaarigii uu la socday.

Hiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!