Kooxo hubeysan oo magaalada Boosaaso ku dillay nabadoon caan ah

by Somali | Saturday, Feb 2, 2013 | 23 views

Boosaaso1Boosaaso : HN :  Wararka laga hellayo magaalada Boosaaso ee xarunta gobollka Bari ayaa sheegaya in kooxo hubeysan ku dileen bartamaha magaalada nabadoon caan ka ahaa gobollka Bari iyo deegaannada Puntland.

Sida ay sheegeen dad goob joogayaal kooxaha hubeysan ayaa weeerar ku qaaday nabadoonka oo lagu magaacabi jiray nabadoon Muuse, iyaga oo markiiba goobta ka baxsaday.

Ciidamada nabad-galyada Puntland oo markiiba goobta uu dilku ka dhacay gaaray uma suurtagalin in ay gacanta ku soo dhigaan kooxaha dillay nabadoonka oo bastoolado ku hubeysnaa.

Sidoo kale ilaa iyo hadda ma jiro wax war ah oo ka soo baxay Maamulka bari ee Puntland, waxaana dilkan uu qeyb ka noqonayaa dilal horay uga dhacay Boosaaso kaasoo loo geysanayay Saraakiisha ciidamada iyo waxgaradka.

Inta badan deegaannada Puntland waxaa ka dhaca falalka lagu u gaarsado waxgaradka iyo odayaasha, waxaana ay saraakiisha Puntland falalkaas ku eedeeyaan kooxaha argagixisada.

Hiiraan Net.

Like it? Share it!