Kooxo hubeysan oo nabadoon ku dillay magaalada Beledweyne

by admin | Wednesday, Aug 26, 2015

Beledweyne : HN :–Rag hubeysan ayaa galabnimadii ku dillay magaalada Beledweyne nabadoon lagu magacaabi jiray Cumar Sheekh Cabdi Ra’iis, oo ka mid ahaa gollaha odayaasha dhaqanka gobolka Hiiraan.

Sida ay sheegayaan wararka saddex dhalinyaro bastoolado ku hubeysan ayaa Nabadoon Cumar Sheekh oo loo yaqaanay Ra’iis ku dilay Bastoolad-12agagaarka Buundo Liiq-Liiqato.

Wararka ayaa intaa ku daraya in durbadiiba ay goobta ka baxsadeen, iyadoo ciidamada ammaanka gaaray halka dilka uu ka dhacay ay bilaabeen baadigoobka kooxdii dilka geysatay.

Dilkan Nabadoonka ayaa noqonaya kii afaraad oo magaalada Beledwey loogu geysto Nabadoono, waxaana ay aheyd bishii Ramadaan markii illaa labo oday dhaqameed lagu dilay magaalada.

Ma jirto illaa iyo hada cid sheegatay dilka Nabadoonka, sidoo kale maamulka magaalada ayaa iyana ka hadlin, ma’aha markii ugu horeysay oo rag hubeysan ku dillaan Beledweyne nabadoon.

Hiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!