Kooxo hubeysan oo nin Baadari ah ku dillay magaalada Mandheera W/bari Kenya

by Somali | Tuesday, Dec 4, 2012 | 1 views

Mandheera : HN :   Sida ay sheegayaan wararka laga hellayo magaalada Mandheera gobollka W/bari dalka Kenya, kooxo hubeysan ayaa ku toogtay bartamaha magaalada nin baadari ah oo madax ka ahaa mid ka mid ah kiinasadaha ku yaala halkaa.

Wararka waxaa ay sheegayaan kooxo hubeysan xalay rasaas huwiyeen baadariga xili uu hor fadhiyay kaniisada, waxaana markiiba goobta ka baxsaday kooxihii dilka geystay.

Ciidamada nabad-galyada dowladda Kenya ayaa durbaba soo buux dhaafiyay goobta lagu dillay baadariga, iyaga oo halkaa ka bilaabay baaritaanno saameyn ku yeeshay dadka reer Mandheera.

Ma jiro ilaa iyo hadda wax war ah oo ka soo saareen saraakiisha dowladda Kenya dalkan, waxaana muuqata in wali ciidamada nabad-galyada dalka Kenya u taag la’yihiin wax ka qabashada amaanka deegaannada gobollka W/bari dalka Kenya.

Hiiraan Net.

 

Like it? Share it!