Kooxo hubeysan oo sarkaal caan ah ku dhaawacay magaalada Kismaayo

by admin | Tuesday, Dec 23, 2014

Kismaayo  : HN :– Rag hubeysan ayaa magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada hoose  waxaa ku dhaawaceen Col Yaasiin Nuur Gaas [Raadeer] oo horay u soo noqday guddoomiye ku-xigeenkii Kismaayo waqtigii laga saaray Al-sabaab.

Sida ay sheegayaan wararka kooxo hubeysan ayaa siyaasigan ku weeraray Hotel lagu magacaabo Tawakal oo ku yaal magaalada Kismaayo, iyadoo goob uu fadhiyay ay rasaas kula beegsadaan.

Is rasaaseyn dhex martay kooxihii hubeysnaa iyo ilaalada siyaasigan ayaa waxaa ka dhashay dhaawaca labo ruux oo rayid ahaa, iyadoo kooxihii hubeysnaa oo gaari watay ay ka carareen goobta.

Wararka aanu ka heleyno magaalada Kismaayo ayaa sheegaya in Yaasiin Nuur Gaas dhaawiciisa oo ahaa mid aad u halisBastoolad u ah loo qaaday magaalada Nairobi, iyadoo rasaasta ay uga dhacday qeybaha sare ee jirka.

Ma jirto wax war ah oo ka soo baxay Maamulka Jubaland oo ku aadan weerarkan lagu dhaawacay Yaasiin Nuur Gaas, iyadoo bishii May ee sanadkii 2013 sidan oo kale Yaasiin Nuur Gaas lagu dhaawacay Kismaayo, isagoo xilligaas uu ahaa Gudoomiye kuxigeenka Maamulkii KMG ah ee Kismaayo.

 Hiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!