Kooxo hubeysan oo xalay weerar ka geystay degmada Manddheera

by wadani | Thursday, Oct 6, 2016

Mandheera : HN :– Inta la og-yahay lix ruux ayaa ku geeriyootay tiro aan la shaacina waa ay ku dhaawacmeen kadib markii ay koox hubeysan xalay weerar ku qaadeen mid kamid ah xaafadaha magaalada Mandhera ee dalka Kenya.

Saraakiisha ciidamada Booliiska ee magaalada Mandhera ayaa u xaqiijiyey Warbaahinta in ay soo badbaadiyeen dad gaaraya 20 qof, iyadoo laga yaabo khasaaraha in uu intaasi ka bato.

Xaaladda guud ee magaalada Mandhera waa mid aad u kacsan, waxaana lasoo sheegayaa in loo maleynayo weerarkaan iney fuliyeen rag ka tirsan Xarakada Al-shabaab.

Wararka ka imanaya magaalada Mandhera oo ku taalla xaduuda Soomaaliya iyo Kenya ayaa sheegaya in xalay xilli dambe uu ka dhacay weerar iskugu jira qaraxyo iyo mid toos ah oo lagu qaaday xaafad ka mid ah xaafadaha magaalada Mandheera.

Ugu danbeyntii, booliska magaalada Mandhera iyo ciidamada Milatariga ayaa ka bilaabay howlgalo ay ku baadigoobayaan dadkii ka dambeeyay weerarkan.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!